Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Kenya oo Dib-u-Fureysa Dugsiyada Waxbarashada iyo Cabsida Roobab oo Wali Taagan

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Kenya ayaa bilaabeysa dib u furista dugsiyadeeda iyo goobaha kale ee waxbarasho, kadib hal todobaad oo ay dib u dhigtay daadad ka dhashay roobab mahiigaan ah, iyadoo dhimashada ka dhalatay daadadka tan iyo bartamihii bishii March ee sanadkan ay ka badan tahay  100 qof sida la xaqiijinayo.

Dugsiyada qaar ayaa weli “si xun u saameeyay” fatahaadda, Wasaaradda Waxbarashada ayaa u sheegtay habeenimadii Axadda Warbaahinta maxalliga ah in ka badan 100 dugsi ay daadadku qaadeen, kuwaas oo qaarkood darbiyo dumay iyo saqafyadii ay la tageen una baahan dayactir xooggan oo dib loogu dhisayo.

Dowladda ayaa shaacisay geerida 90 ruux, tan iyo Maarso, waana tiro ka yar sida warbahainta gudaha ay qoreen, waxaana la filayaa in tiradaasi ay kororto kaddib markii ay dooni ku degtay Gaarisa. Hay’adda Laanqeyrta Cas ee Kenya ayaa sheegtay in lasoo badbaadisay 23 qof, balse la la’yahay in ka badan 12 qof.

Roobab mahiigaan ah ayaa ka da’ayay dalka tan iyo bartamihii bishii March, waxaana waaxda saadaasha hawada ay ka digtay roobab kale, kuwaas oo saameyn ku yeelan kara xaaladaha guud ee ka jira dalka, xilli dowladda loogu baaqay ineysan arday si degdeg ah ugu ogolaanin in Iskuullada ay aadaan xilligaan adag.

Wadamada a Bariga Afrika ayaa waxaa ka jira daadad ka dhashay roobabka xooggan ee da’aya, waxaana lagu soo warramayaa in 155 qof ay ku dhinteen Tanzania halka in ka badan 200,000 oo qof ay saameeyn ku yeesheen dalka Burundi oo jaarka la ah, dalalka Soomaaliya Kenya iyo Tanzania ayaa cabsidu ka jirtaa.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this