Sign in to follow this  
General Duke

Hargaysa: foreign man shot and injured ?

Recommended Posts

Nin ajnabi ah oo lagu dhaawacay magaalada Hargeysa

Last Updated::2008-01-30 13:24:19

 

Hargeysa (HRNet) Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in toogasho lagu dhaawacay nin ajnabi ah oo ka shaqeeya

hay’adda Miinasaarista ee Hallow Trust.

Wararku waxay sheegayaan in ninkaasi uu dhaawacay nin horey uga tirsanaa hay’adaasi balse shaqada laga eryay.

Dhaawaca ninkaasi ayaa la geeyay Isbitaalka Hargeysa waxaana la sheegay in xaaladiisu aysan khatar weyn ku sugneyn.

Sarkaalka ajnabiga ah waxaa uu u dhashay dalka Armeeniya waxaana lagu magacaabaa Arman.

Ninka wax toogtay oo lagu magacaabo Cabdi Maxamed Yuusuf ayaa u dhashay gobollada Waqooyi ee Soomaaliland, waxayna ciidamada boolisku ay qabteen ka dib markii ay xabbad kaga dhufteen lugta.

Boolisku waxay sheegeen inay baarayaan sababta keentay in sarkaalkaasi la toogo.

 

Horseednet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

hadhwanaag 2008-01-30 (Hadhwanaagnews) Hargeysa-(HWN):- Sarkaal ka tirsan Hay’ada Miino-saarka ee Hallo Trust Xafiiskeeda magaalada Hargeysa, ayaa saaka la dhaawacay, ka dib markii Baastoolad uu ku tuugtay nin hore uga tirsanaan-jiray shaqaalaha Hay’adaas, oo dhawaan laga eryey shaqada.

 

Sarkaalkaas Ajanebiga ah oo magaciisa la yidhaahdo Mr. Arman, isla markaana u dhashay dalka Armenia, ayaa waxa ay xabadu kaga dhacday caloosha, iysaga oo markiiba dhawaaciisa loola cararay lana Cusbitaalka Guud ee magaalada hargeysa, halkaas oo lagu dawaynayo.

 

Ninka dhawaaca u gaystay Sarkaalkaas, oo magaciisa la yidhaahdo Cabdi Maxamed Yuusf (Cabdi Madboobe), ayaa isla markiiba waxaa isna Bowdada ka toogtay Booliskii ilaalinayey xarunta Hay’ada Hollo Trust, markii uu isku dayey in uu baxsado, isaga meel lala dhigay Sarkaalkii uu dhaawaca u gaystay. Waxaana labadoodiiba-ba la wada dhigay qaybta gar-gaarka degdega ah ee Cusbitaalka Guud ee magaalada Hargeysa.

 

Waxaana Cabdi Maxamed Yuusf (Cabdi Madboobe) uu ka tirsanaa shaqaalada Hay’ada Hollo Trust muddo gaadhaysa Sideed Sannadood, isaga oo ka mid ahaa shaqaale dhawaan Hay’adu ay iska dhintay.

 

Mr. Cabdi Madboobe oo Warbraahintu wax ka waydiisay sababtii ku kaliftay in uu toogo ninkaa Sarkaalka ah, ayaa waxa uu tilmaamay in uu duudsiyey xaqii uu ku lahaa Hay’ada, isaga oo xusay in uu shaqaalaha Hay’ada ka tisanaa muddo sided sannadood ah.

 

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Cabdilaahi Ismaaciil Cali (Cir), oo falkan ka hadlay ayaa sheegay in Ciidamada nabad-gelyadu ay baadhayaan arrintan, isla markaana Ciidamada amaanku ay gacanta ku hayaan Baaskooladii iyo ninkii falka gaystay-ba.

 

Amuurtan ayaa waxa ay naxdin iyo amakaag ku beertay dadweynaha ku dhaqan caasimada Hargaysa, oo inta badan aan u baran falalka noocan oo kale, waxaana tallaabadani noqonaysa tii saddexaad ee shaqaale Ajaaniba werar loogu gaysto Jamhuuriyada Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A.J.   

Although this is a completely isolated incident, if true at all, but it is still very disappointing to hear. the one thing we can say for sure is that the culprits wil be caught and served justice for this dispacable deed.

 

The Somaliland justice will sort these criminals out.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this