Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Catriona Laing oo bilowday kulamo madax goboleedyada kahor inta aysan bixin

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1714022302929.jpg?fit=1079%2C720&

Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Marwo Catriona Laing ayaa bilowday kulamo gaar gaar ah oo ay la yeelaneyso madaxda dowlad goboleedyada dalka, kuwaas oo kusoo aaday xilli xasaasi ah oo ay taagan tahay xiisad ka dhalatay wax ka beddelka dastuurka KMG ka ah ee dalka.

Kulamadan ayaa ah kuwii ugu dambeeyay oo ay Catriona Laing la yeelaneyso madax goboleedyada, waxaana u jeedkooda lagu sheegay sagootin, maadaama ay ka tageyso xafiiska.

Kulankii ugu horreeyay ee sagootinta ah waxa ay la yeelatay madaxweynaha HirShabelle, Cali Guudlaawe Xuseen oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho, sida lagu sheegay war kooban oo kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

“Kulankeedii ugu horreeyay ee sagootin ah oo ay la qaadaneyso madaxda dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah ayey maanta Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay, Catriona Laing la qaadatay Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Xuseen Guudlaawe,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Intaas kadib labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay arrimo ay kamid yihiin dhammeystirka dastuurka, shirka golaha wadatashiga qaran ee la iclaamiyay iyo la dagaalanka Al-Shabaab.

“Waxay ka wada hadleen hannaanka dib u eegista dastuurka Soomaaliya, howlgelinta Golaha Wadatashiga Qaranka, la dagaallanka Al-Shabaab, dadaallada xasilinta iyo dib u heshiisiinta Hirshabeelle” ayaa lasii raaciyay.

Dhinaca kale waxaa kulankan lagu soo qaaday xaaladaha bani’aadanimo ee ka jira dalka, gaar ahaan fatahaadaha laga cabsi qabo inay ku dhuftaan qaybo badan oo kamid ah dalka.

“Waxaan ka mahadcelinayaa taageerada joogtada ah ee Hay’addaha Qaramada Midoobe, waxaan ku faraxsanahay inaan wadajir uga wada shaqeyno howlaha hor-tebinta inoo leh.”

Ugu dambeyn madaxweynaha maamulka HirShaeelle ayaa u mahadceliyay Catriona Laing oo dhawaan dalka ka tagi doonto, wuxuuna ku amaanay sida ay ula shaqeysay muddada kooban ee ay joogtay xafiiska.

FB_IMG_1714027821962.jpg?resize=696%2C46 FB_IMG_1714022310333.jpg?resize=696%2C46 FB_IMG_1714022307530.jpg?resize=696%2C46 FB_IMG_1714022305227.jpg?resize=696%2C46 FB_IMG_1714022302929.jpg?resize=696%2C46

The post Sawirro: Catriona Laing oo bilowday kulamo madax goboleedyada kahor inta aysan bixin appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this