Sign in to follow this  
Xaq

Ethios Leave Mogadishu - Indhacadde takes over

Recommended Posts

Xaq   

web page Ciidamo taabacsan Isbahaysiga Dib u xoreynta garabka Casmara ayaa la wareegay dhawr goobood oo ay caawa ka guureen Ciidamada Itoobiya kuwaasi oo kala haa Warshadii hore ee Baastada , Xayla bariise, Warshadii Barafuunka ,Kooka Koola iyo Goobo kale.

 

 

Ciidamadaan oo uu wato Shiikh Yuusuf Maxamad Siyaad Indhacade ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ay u diyaargaroobayeen la wareegitaanka fadhiisimadaas iyagoo dhufaysyo ka qotay gobo aan u dheerayn.

 

 

Shiikh Yuusuf Indhacade oo wax yar ka dib markii Ciidamadiisu la wareegeen fadhiisimadaasi u waramayay Idaacada Hornafrik ayaa sheegay in aanay aqoonsanayn lana shaqaynaynin Isbahaysuga jabuuti ee uu horkacayo Shiikh Shariif.

 

 

Ciidamadaasi ka amarqaata indhacade ee hoostaga Shiikh Cumar Iimaan oo dhawaan loo magacaabay Gudoomiyaha Golaha Fulinta maxkamdaha Islaamka ayaa sidoo kale waxaa ay gaareen ilaa deegaanka caymiska .

 

 

Lama oga waxa ay ka yeelayaan Ciidamada isbahaysiga garabka jabuuti iyo kuwa dawlada Federaalka Soomaaliya oo dhawaanahaanba shaacinayay in ay diyaar u yihiin la wareegida Goobaha ay ka guuraan Itoobiyaanku.

 

 

Mid kamida Ciidamada ka amarqaata Shiikh Cabdulqaadir cali Cumar laguna xanto in ay si aad ah isugu dhawyihiin Isbahaysiga uu hogaamiyo Shiikh Shariif kuna sugnaa saldhiga Heliwaaaa oo u waramay Raadtv International Xaafiiskiisa Muqdisho ayaa iska bari yeelay la midoobida Ciidamada dawlada TFG da .

 

 

Talaabadaan Kabixitaanka Ciidamada Itoobiya qaybo kamida Magaalada Muqdisho ayaa waxaa laga yaabaa in ay nafis siiso Shacabka ku dhaqan Deegaanka Heliwaa oo iyagu horey uga barakacay guryahoodii.

 

 

Mas uul u hadlay Gudiga Isku dhafka ah ee shirka jabuuti ayaa ku eedeeyay kooxaha islaamiyiinta ah in ay mas uul ka yihiin kabixitaan la aanta Ciidamada Itoobiya oo ay iyagu albaabada u fadhiyaan.

 

 

Warar aan kahelnay ilo kale ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiyaanku ka baxeen Intabadan Magaalada Muqdisho iyadoo goob joogayaal ku sugnaa Stadio Muqdisho iyo aaga xamar jadiid ay sheegeen in ay arkayeen Ciidamo badan oo wata gaadiidka taangiyada xambaara ay ka soo baxayeen Stadio Muqdisho .

 

 

Isbahaysiga Shiikh Shariif Shiikh Axmad ee dhawaan heshiiska Lagalay Dawlada TFG da halis ugu jiray in uu kalsooni ka waayo bulshada Muqdisho iyo Ciidamada maxkamadaha islaamka ee isaga taageersanaa waxaana jiray muddo loo qabtay oo ku ekayd 16-ka bishaan.

 

 

Ciidamada maxkamdaha ee isaga taageersan ayaa laga cabsi qabay in ay bilaabaan xabada kadib markii ay dhamaatay mudadii loogu talagalay balse isbahaysiga jabuuti ayaa dalbaday in muddo gaaban loogu daro taasi oo ay ka harsanayd afar malain oo qura.

 

 

Kabixitaanka Ciidamada Itoobiya gudaha Soomaaliya ayaan la ogayn xilligaan waxa ay ku soo kordhinkarto nabada Soomaaliya maadaama islaamiyiintii la filayay in ay kamidoobaan dib u dhiska Soomaaliya ay qoryaha isu sitaan islamarkaana ku dagaalamayaan awooda iyo sidii midba midka kale ugu awood sheeganlahaa.

 

 

Raadtv.Com : Xassan Cadde

 

 

Cadde09@Hotmail.Com

 

 

Xaafiiska Wararka Raadtv London

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ah, Indhamadoowe. They say a makulaal has nine lives, so is this guy's warlordism life.

 

Macmacaankii iyo barwaaqadii Shabeellada Hoose ka samri la'yahay. Mar uu cimaamad usoo gishto iyo mar uu fitishaari afarjeeble usoo gishto iyo mar uu siyaasi iska dhigo -- waaka maarmi la yahay Shabeellada Hoose in uu xoog ku xukumo ma'ahee.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Sheekh Yusuf M. Siyaad Indhacadde is reaping the fruits of his struggle. The man has fought for his country (whatever his motivations) and redeemed himself more than enough. Praise to the sheikh. Even if he is a warlord, he is a GOOD warlord.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^lool. @ Shiekh Yusuf, anyhow he is back and is acting bad. He claims to rep the Cumar Imaan wing of the Clan Courts. Thus not the Sharif Ahmed group of peace brother where art though.

 

I hope Sharif Ahmed group wins the day, they make more sense than Mr Inda-black..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this