Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka Muqdisho xataa Naftooda Run uma sheegaan, dadka ay sheegtaan inay u taliyaana Run uma sheegaan.

Recommended Posts

Deeq A.   

Maamulka Muqdisho xataa Naftooda Run uma sheegaan, dadka ay sheegtaan inay u taliyaana Run uma sheegaan.

Markab yar oo Turkigu lahaa oo Wadamo kala duwan soo maray oo shalay Muqdisho tegay, ayay Shalay oo dhan Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wasiirradiisu dadka u sheegayeen Been cad oo qayaxan oo ay yidhaahdeen Markab Dagaal oo Turkigu leeyahay ayaa u yimi Difaaca Badda Soomaaliya isaga oo fulinaya heshiis ay dhawaan sheegeen inay Baddooda Soomaaliya ay Turkiga ku wareejiyeen si uu ugu ilaaliyo.

Waxaa cajiib ah in qoraalkan hoose ay soo saartay Safaarada Turkiga ee Muqdisho oo sheegtay inuu Markabkaasi u socday u dabaaldega Maalinta Carruurta iyo Qaranimads Turkiga.

Waxaa yaab leh in Waji-gabaxa ku dhacay Madaxtooyada Soomaaliya iyo Beenta ay dadka u sheegeen ee lagu qabtay, ay ku kaliftay inay Warsaxaafadeed labaad oo English ku qoran ay Villa Somalia soo saarto oo ay ku sheegtay ujeedada Markabku u socday, taasi oo ka duwan Warsaxaafadeedka ay Af-soomaaliga ku soo saareen.

Inkasta oo aan wax Run ahna waligood looga baran kooxda Villa Somalia oo ay yihiin dad khiyaali iyo Been ku caan baxay, hadana waxaa yaab leh in xataa Turkigii uu ka yaabay Beentooda oo ay kaliftay in Safaarada Tutkigu ay soo saarto Warsaxaafadeedka hoos ku qoran oo caddaynaysa ujeedada uu Muqdisho u yimi Markabka Turkiga ee ay maamulka Soomaaliya ka been sheegeen.

Halkan hoose ka akhriso labada Warsaxaafadeed ee Somaliya iyo ka Turkiga ee is khilaafsan.

Horta yaa odhan jiray markuu qof Been ku sheekaynayo arko “ Warka Xamar dhaaf”

Amb Kaysar Maxamed

IMG-20240424-WA0011.jpg

IMG-20240424-WA0012.jpg

IMG-20240424-WA0010.jpg

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this