Sign in to follow this  
Deeq A.

Xasan oo ka dhab-hadlay xiriirka DF iyo Puntland, digniina u diray Dowlad Goboleedyada

Recommended Posts

Deeq A.   
xasan.jpg?fit=2048%2C1365&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo saaray qoraal uu uga ‘dhab-hadlayo’ xiriirka kala dhaxeeya dowlad goboleedyada dalka, ayaa farta ku goday Puntland, isagoo sheegay in tan iyo markii uu xafiiska yimid u uku howlanaa sidii ay wadashaqeyn ula yeelan laheyd dowladda federaalka, balse aysan weli suurtagelin, isagoo balan-qaaday in dadaalo kale u uku bixin doono dhameynta mad-madowga dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, gaar ahaan Puntland.

Madaxweynaha ayaa dowlad goboleedyada uga digay in la siyaasadeeyo arrimaha masiiriga ah ee dalka, sida midnimada iyo wadajir dalka, madax-banaanida, gobnimada siyaasadeed ee dalka, amniga iyo bedqabka muwaadinka.

Hoos ka akhriso qoraalka Madaxweynaha oo ciwaankiisu yahay “XIRIIRKA DOWLADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA IYO DOWLAD GOBOLEEDYADA.”

Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ee aan hoggaamiyo waxay ugu horreyntiiba mudnaan gaar ah siisay xiriirka wada-shaqeyn ee kala dhaxeeya dowlad goboleedyada, iyadoo saldhig uga dhigaysa mabaadi’da dastuureed ee hagaysa hannaanka wadashaqeynta Dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, si loo dardargeliyo fulinta ajendayaasha qaran oo ay ugu horreeyaan adkaynta amniga dalka, dhammaystirka Dastuurka Dalka oo dabranaa muddo ka badan 10 sanadood, xoojinta federaalaynta dalka iyo horumarinta dhaqaalaha.

Nasiib wanaag, muddadii koobneyd ee aan talada Dalka hayey, Dowladda Federaalku waxay ka mirodhalisay xaqiijinta inta badan ajandeyaashii mudo inagu madlanaa inaga oo guulo ka gaarnay la-dagaalanka khawaarijta oo aan deegaano baaxad weyn ka saarnay,  qaadista cunaqabateyntii hubka ee ina saarnayd in ka badan muddo 30 sano ah iyo cafinta deyntii naga hortaagneyd maalgashiga caalamiga ah.

Dowladda Federaalka waxa ay horumar ka sameysay dib-u-eegista lagu dhammaystirayo Dastuurka JFS, iyada oo sameysay wadatashiga saamileyda siyaasadeed iyo si gaar ah talo aruurin dadweyne, si toos ah iyo si danabeysanba (Online), welina waxa ay dowladu dhiirigelinaysaa wada-xaajoodka iyo wada-tashiga lagu dhameystirayo dastuurka dalka, si shacabka Soomaaliyeed u gaaraan himillooyinka ay hiigsanayaan ee ah helidda dowlad hagaagsan oo dimoqraadi ah, kana shaqeysa baraaraha muwaadinka Soomaaliga ah.

Waxaan si gaar ah  hoosta uga xariiqayaa in Dawladda Federaalku dadaal farabadan ku bixisay hagaajinta xiriirka wadashaqeyn ee kala dhaxeeya dhammaan Dowlad Goboleedyada, si gaar ahna Dowladda Puntland, si uu noqdo xiriir sharci ah oo ku salaysan danta dadka iyo dalka, welina waxaa ka go’an Dawladda Federaalka in ay sii wado dadaal kasta oo ay ku hagaajineyso Xiriirka Dawladda Puntaland, si dadka Soomaaliyeed u hantaan dawlad Soomaaliyeed oo xaqiijin karta himilooyinkooda Dawladnimo.

Hadaba, Dowladda Federaalka waxaa ka go’an sidii horeba in aysan marnaba siyaasadeynin waajibka ka saaran wadashaqeynta labada heer dowladeed ee federaalka, si gaar ah arrimaha ku saabsan dhaqaalaha, horumarinta iyo la tacaalidda arrimaha bini’aadannimada, iyadoo oo adkeynaysa waajibka iyo xuquuqaha dastuuriga oo ay leeyihiin dowlad goboleedyadu.

Ugu dambeyn, anigoo gudanaya xilkeyga dastuuriga ee ah ilaalinta midnimada iyo wadajirka dalka waxaan xusuusinayaa sida uu qabo Dastuurka Dalka in dowlad goboleedyadu aysan marnaba siyaasadeynin arrimaha masiiriga ah ee dowladnimada Soomaaliyeed, sida: midnimada iyo wadajir dalka, madax-bannaanida iyo gobnimada siyaasadeed ee dalka, amniga dalka, iyo bedqabka muwaadinka.

= DHAMMAAD =

The post Xasan oo ka dhab-hadlay xiriirka DF iyo Puntland, digniina u diray Dowlad Goboleedyada appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this