Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Gaashaandhigga oo Kulan La Qaatay Madaxa UNSOS ee Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo kulan kula qaatay magaalada Muqdisho, Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ahna Madaxa UNSOS Ms. Aisa Kirabo Kacyira ayaa uga warbixiyay horumarka baaxadda leh ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka sameeyeen, difaaca iyo dib u xoreynta dalka, iyaga oo garab ka helaya taageerayaasha caalamiga ah.

Wasiirka oo ka mahadceliyay taageerada QM ee Soomaaliya ayaa sharaxay dadaallada socda ee lagu kobcinayo awoodda Ciidamada Xoogga dalka, gaar ahaan maareynta saadka iyo tallaabooyinka howlgalada culus ee lagu dagaalamayo kooxda Alshabaab, islamarkaana loo heli lahaa Soomaaliya nabad ah oo xasiloon.

Wasiirka ayaa tilmaamay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay xoojin doonto howlgalada ka dhanka ah Alshabaab, sidaa daraadeedna ay lagama maarmaantahay in la kordhiyo Taageerada Saadka ee loo baahanyahay taa oo gacan weyn ka gesyan doonta in waqti fudud Soomaaliya lagaga xoreeyo kooxaha xagjirka ah.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this