Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Falastiin oo sheegay inay dib u eegi doonaan xidhiidhkooda Mareykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Maamulka Falastiin ayaa “dib u eegi doona” xidhiidhka ay la leeyihiin Mareykanka ka dib markii Washington ay diidday dalabkii Falastiin ee xubinnimada Qaramada Midoobay, sidaa waxaa sheegay Madaxweyne Maxamuud Cabbaas.

“Hoggaanka Falastiin waxay dib u eegi doonaan xidhiidhka laba geesoodka ah ee ay la leeyihiin Mareykanka si loo xaqiijiyo ilaalinta danaha dadkeena, qadiyadeena, iyo xuquuqdeena,” Cabbaas ayaa u sheegay wakaalada wararka Falastiin ee WAFA.

Codbixintii Khamiistii ka dhacday Golaha Amaanka ayey 15ka xubnood ee golahaasi 12 waddan oo kamid ah taageereen qaraar soo jeedinaya in Falastiin xubin buuxda noqoto, waxaana codka Veto ku diiday Mareykanka halka ay ka aamuseen labada dal ee Britain iyo Switzerland.

Cabbaas ayaa sheegay in hoggaanka Falastiin uu “samayn doono istaraatiijiyad cusub oo lagu ilaalinayo go’aamada qaranka Falastiin si madax-bannaan oo ah ajandaha Falastiiniyiinta halkii ay daban socon lahaayeen aragtida Mareykanka iyo ajendahooda gobolka.”

Waxa uu sheegay in Falastiiniyiintu “ayna ku sii ahaan doonin la haystayaal siyaasada Mareykanka ee guul-darraysatay oo hada u cadaatay caalamka oo dhan.”

Waxa uu sheegay in mowqifka dowladda Mareykanka uu “dhaliyay cadho aan hore loo arag oo ee shacabka Falastiiniyiinta iyo dadka gobolka, taasoo suurtagal ah inay gobolka u riixdo xasillooni darro, fowdo iyo argagixisanimo.”

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this