Sign in to follow this  
Deeq A.

Xoghaya Arrimaha Dibadda Mareykanka oo booqanaya Shiinaha

Recommended Posts

Deeq A.   

Xoghaya Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa lagu wadaa in toddobaadkan uu u safro dalka dalka Shiinaha, xilli ay xukumadaha Washington iyo Beijing isku dayayaan in ay sii wadaan xidhiidhkooda aanan adkeyn, inkasta oo uu jiro kala duwanaasho mug weyn oo dhinacyo badan leh.

Labadan waddan ee uu xafiiltanka ka dhaxeeyo ayaa isku hayo dhinacyo badan, oo ay ku jiraan dagaalka Ruushka ee Ukraine, Taiwan iyo Badda Koofurta Shiinaha, Kuuriyada Waqooyi, Hong Kong, xuquuqda aadanaha iyo xariga muwaadiniinta Mareykanka.

Mareykanka iyo Shiinaha ayaa sidoo kale ku dagaallamaya arrimaha ganacsiga, iyadoo madaxweyne Joe Biden uu asbuuci lasoo dhaafay ku dhawaaqay canshuur cusub oo la saaray biraha uu Shiinaha u soo dhoofiyo Mareykanka.

Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa sheegtay, in booqashadan oo ah tii labaad oo uu Blinken ku tago Shiinaha muddo ka yar sannad, uu Arbacada ka billaabi doono magaalada Shanghai, kaddibna uga sii gudbi doono Beijing. Wuxuu la kulmi doonaa wasiirka arrimaha dibadda Shiinaha Wang Yi. Sidoo kale waxaa la filayaa in uu la kulmo madaxweyne Xi Jinping.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this