Sign in to follow this  
General Duke

MN: Justice for Burhan others will bring down network

Recommended Posts

Fadeexad ka dhacday Masjid Somali oo ku yaal Minneapolis, Mareykanka

 

Qoys Somaliyeed oo dhawaan Somaliya looga dilay wiil ey dhaleen ayaa eedeyn iyo dacwad ka dhan ah mid ka mid ah masaajida Somalida ee Minneapolis (Mareykanka) u gudbiyay booliska iyo sirdoonka FBI kadib markii ey ku eedeeyeen masjidka lagu magacaabo Abuu-Bakar As-sadiiq in shirqoolkii lagu dilay wiilkooda lagu abaabulay masjidkaasi.

 

Burhaan Xassan oo ah wiilka dhawaan looga dilay Somaliya qoyskani ayaa waxa ey sheegeen in qaab JIHAAD ah lagu abaabulay wiilkooda iyo dhalinyaro kale kuwaasoo loogu diray Somaliya in ey ka bar-bar dagaalamaan kooxda Al-Shabaab ee dagaalada ka wada koonfurta Somaliya islamarkaana lala xiriirinayo in ey xiriir dhow la leeyihiin ururka Al-Qacida.

 

Cabdirisaaq Biixi oo adeer u ah wiilka ey Muqdisho ku dileen kooxda Al-Shabaab ayaa u sheegay taleefishinka 5-News Room in ey bilooyin ku howlanaayeen sidii ey Burhaan dib ugu soo celin lahaayeen Mareykanka balse markii laga warhelay in lagu celinayo Mareykanka lagu qaarajiyay halkaasi.

 

Adeerka ayaa intaa ku daray in sababta loo qaarajiyay wiilkooda ey tahay in la diidayay in uu kashifo qaabkii loo abaabulay iyo cida u dirtay "Jihaadka" inkastoo uu isagu go`aanka lahaa, waxaana uu intaasi raaciyay in ey aaminsanyihiin in amarkii lagu dilay Burhaan laga bixiyay masjidka ABUU-BAKAR AS-SADIIQ si aan loo helin wax raad ah ama xogta cidda sida dhabta ah u abaabushay marki uu kusoo laabto dalka Mareykanka.

 

DAAWO FILMKAN

(Warka waa sii socdaa filmka hoostiisa!)

 

 

Qoyska Burhaan ayaa sidoo kale xaqiijiyeen in uusan Burhaan ku dhiman dagaal ama iska-horimaad balse loo yimid oo madaxa laga toogtay xilli laga warhelay in dib loogu celin rabo Mareykanka isagoona la marinayo dhanka safaaradda Mareykanka ee dalkaasi Kenya.

 

Dhanka kale masuul u hadlay masjidka ABUU-BAKKAR AS-SADIIQ oo lagu magacaabo Farxaan Hurre ayaa gabi ahaanba iska fogeeyay eedeymahan, waxaana uu sheegay in masjidku uu ka caagan yahay arrimaha ceynkan ah uuna xoogga saaro masjidka dhanka waxbarashada Islaamiga iyo nabadda.

 

Si kastaba ha ahaatee ma ahan markii ugu horeysay oo kiis nooca abaabulka Jihaadka ah lagu eedeeyo masjidkaan, waxaana mar sii horeysay la sheegay in ey raad ku lahaayeen rag la sheegay in ey ka dambeeyeen qaraxyadii ismiidaaminta ahaa ee lagu qaaday magaalooyinka Hargeysa iyo Bosaso sanadkii hore.

 

Sirdoonka Mareykanka ee FBI ayaa baaritaan ku haya iminka masjidkan eedeymaha loosoo jeediyay, iyagoona masaajidda kalena aanu ka marneyn il ku hayntaasi.

 

 

Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kashafa   

waxaana uu intaasi raaciyay in ey aaminsanyihiin in amarkii lagu dilay Burhaan laga bixiyay masjidka ABUU-BAKAR AS-SADIIQ

Duke, Carab-ta waxay dahaan: Ahlu Makkah adraa bi shicaabihaa, so in that sense, is it true that Xiin has been linked to Abu Bakr As-Sadiiq mosque in Minneapolis ? If the answer is yes and he is found to have some connections with said mosque, don't you think that's a troubling indicator ?(after all, he does seem to be overly defensive and unbalanced, right ? A innocent man has nothing to hide and shouldn't be nervous, right?) If the answer is yes, what do you intend to do about it in order to bring justice for (what you call) 'the brainwashed kids' ?

 

One last question: What is the current market compensation for those who wish to pursue a promising career as paid informants , and could you give us a brief glimpse into the day-to-day duties of paid informants ?

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Kashafa adeer, the issue is simple, a family lost their child and those who were behind it should not be spared a single moment or thought.

 

These fake religious pretenders and clanists are shook adeer, they are the shook ones.

 

They can hide all they like, in this city they are a minoity and are now facing the wrath of the population.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this