Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey oo cod u qaadaya in Falastiin loo aqoonsado dal madax-bannaan

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1713323112365.jpg?resize=720%2C41

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa maanta oo Arbaco ah la horgeynaya qaraar ay soo diyaariyeen dalalka Carabta oo cod loogu qaadayo xubinimada Falastiin ee Qaramada Madoobey.

Qaraarka ayaa haddii loo codeeya Falastiin u aqoonsanaya dal madax bannaan oo xubin ka ah Qaramada Midoobey, balse waxaa jira dareen ah in qaraarkaasi uu diiddayo Mareykanka ama xubnaha kale ee reer galbeedka.

Danjiraha Mareykanka u fadhiya Qaramada Midoobay, Linda Thomas-Greenfield ayaa sheegtay qaraarka inuu san caawinayn xalka labada dawladood ee uu taageersan yahay Mareykanka , laakiin ma aysan sheegin in Mareykanka uu diidi doono.

In ka badan kala bar waddamada caalamka ayaa taageersan in ay Falastiin noqoto dal madax bannaan , si meesha ay uga baxdo colaadda daba-dheeratay ee salka ku haysa aqoonsiga iyo dhulka Falastiin.

Halkan ka akhriso Qaraarka

FB_IMG_1713324880010.jpg?resize=690%2C96

PUNTLAND POST

The post Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey oo cod u qaadaya in Falastiin loo aqoonsado dal madax-bannaan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this