Sign in to follow this  
Deeq A.

Britain oo Shegtay in Xiisadda Bariga Dhexe Cidna Dan Ugu Jirin, Kuna Baaqay Isxakameyn

Recommended Posts

Deeq A.   

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Dalka Ingiriiska ayaa sheegay in xiisadda bariga dhexe ka aloosan aaan cidna dani ugu jirin, ayna gobolka horseedi doonto amni darro iyo qulqulatooyin baaxad leh, isagoo ku baaqay in laga gaabsado wax kasta oo hurin kara xaaladda gobolka, xilli Britain ay kami tahay dowladaha taageeray Israel.

War qoraal oo uu soo saaray ayaa sidoo kale lagu yiri” Ra’iisulwasaaraha Israa’iil Netanyahu waxaan u xaqiijinnay in Britain ay rabto inay taageerto amniga iyo xasilloonida Israa’iil, sidoo kalena ay rajaynayso suurtagalnimada is badel ku yimaada gaarsiinta gargaarka ee dadka marinka qasa ku go’doonsan”.

Warkan ayaa ku soo beegmaya xilli uu maraykanku horay u sheegay inaanu taageeri doonin weerar rogaal celis oo ay Israa’iil ku qaaddo Tehraan, taasoo waji-gabax ku noqatay maamulka Yuhuudda oo qorshaynaya inay ka falceliyaan weerarkii Iiraan.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this