Sign in to follow this  
Deeq A.

Wafdi Ka Socda Qaramada Midoobay oo Gaaray Galmudug iyo Madax La Kulantay

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug mudane Cali Daahir Ciid ayaa qabilay Wafdi heer sare ah oo ka socda Qaramada Midoobe oo uu hoggaaminayo Ku-Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud, ahna Isku-duwaha QM ee Arrimaha Deegaanka iyo Beni’aadamnimada ee Soomaaliya, Mudane George Conway.

George Conway waxaa Safarka ku Weheliyay Madaxda UNDP ,UNICEF ,UNHCR ,IOM IYO UN HABİTAT ee Somalia waxayna ka wada hadleen Mashaariicda Hormarineed ee ka socota Galmudug iyo Sidii lo sidii loo sii kordhin lahaa.

Sido kale labada dhinac waxay ka wada hadlayeen Furitaanka Xarunta UN ka ee Galmudug iyo sidii xal waara looga gaari lahaa arrimaha Barakacayaasha, kuwaas oo ku sugan deegaannada Galmudug, xilligaan oo la gudo galay roobka Gu’ga.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this