Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Cusub ee Arrimaha oo Sirasmi ah Xilka Loogu Wareejiyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka ahna Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Jaamac, ayaa xilka uu kala wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Mudane Cali Yuusuf Cali Xoosh iyo Wasiirkii hore ee Wasaaraddaas Mudane Axmed Macallin Fiqi.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa ku ammaanay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Mudane Axmed Macallin Fiqi xaqiijinta halbeegyo waaweyn oo ay lahayd wasaaraddu, kuwaas oo muddo gaaban lagu hirgeliyay.

Mudane Saalax Jaamac ayaa sheegay in loo baahan yahay hannaanka dowladnimada Soomaaliya in ay ka muuqato astaamihii federaalka, isaga oo kula dardaarmay wasiirka cusub in laga rabo hirgelinta doorasho ay dadweynaha Soomaaliyeed ku soo doortaan hoggaankooda, maadaama ay inta badan dhammeystiran yihiin shuruucdii lagama maarmaanka u ahaa qabsoomidda doorashada.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha mudane Axmed macallin fiqi ayuu Ra’iisul Wasaaraha dalku u magacaabay Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this