Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynihii hore Somaliland oo si ballaadhan loogu soo dhaweeyay gobolka Awdal

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynihii Saddexaad ee Somaliland oo si Ballaadhan loogu soo Dhaweeyay Gobolka Awdal
IMG-20240416-WA0005.jpg
IMG-20240416-WA0007.jpg

IMG-20240416-WA0006.jpg
Hargeysa(Qaran news)-Boqolaal ka mid ah dadweynaha reer Awdal ayaa maanta si ballaadhan u soo dhaweeyay madaxweynihii saddexaad ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin oo socdaal ku tagay magaalada Boorame.

Madaxweynihii hore waxa lagu soo dhaweeyay jidka u dhexeeya degmooyinka Dilla ilaa Boorame oo ay safnaayeen dadweyne tiro badan oo u taagnaa soo dhaweyntiisa.

Wasiirrada Wasaaradaha Ganacsiga, Dastuurka iyo Waxbarashada ayaa sheegay in Daahir Rayaale hoggaamintiisii JSL uu ku hantiyay taageerada ummadda reer Somaliland isla markaana uu yahay oday qaran oo dhex u ah dalka oo dhan.

Madaxweynihii saddexaad Md. Daahir Rayaale Kaahin ayaa u mahadceliyay shacbiga iyo madaxda heer degmo, gobol iyo Wasiirrada Xukuumadda ee sida weyn ugu soo dhaweeyay gobolka Awdal.

Md. Daahir Rayaale wuxuu sheegay in tallo wixii uu hayo uu u gudbin doono waxgaradka iyo ummadda reer Awdal.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this