Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Turkiga oo Gargaar u Dirtay Qaza Xilli Laga Cabsi Qabay Majaaco Ka Dilaacda

Recommended Posts

Deeq A.   

Xilli ay dadka reer Qasa wajahayaan macaluul baahsan oo ka dhalatay dagaalka bishii 7-aad oo xariir ah ku socdaa ayaa Maanta oo Talaado ah, waxay dowladda turkigu qasa u dirtay markabkii sagaalaad oo gargaar bini’aadannimo ah tan iyo markii uu dagaalku bilowday.

Markabkan oo ay soo rartay hay’adda bisha cas ee Turkiga ayaa sida gargaar bini’aadantinimo oo dhan 3,774 oo tan, oo isugu jira cunto, agabka caruurta iyo dhallaanka iyo bacaha lagu seexdo.

Markabka ayaa subaxnimadii talaadada ka soo dhaqaaqay dekedda caalamiga ah ee Mersin, wuxuuna ku soo wajahan yahay dekedda Al-Cariish ee dalka Masar, halkaasoo looga sii gudbin doono Marinka qasa.

Gargaarkan ayaa lagu wareejin doonaa bisha cas ee falastiin ka dib markii laga soo daabulay dekedda Al-cariish ayadoo la geyn doono isgoyska Rafax ka dibna baabuur xamuul ah lagu gaarsiin doono dadka deggan qasa.

Taniyo markii uu billowday duullaanka Israa’iil ee qasa, Turkigu wuxuu dadka reer falastiin u diray 39,607 tan oo gargaar bini’aadanimo, iyada oo loo sii marayo Bisha Cas iyo hay’adda kale ee gargaarka.

Shixnaddan uu Turkiga diray ayaa ku soo beegmaysa xilli ay madaxda Qadar iyo Turkigu ka wada hadleen sidii xaaladda marinta qasa xal loogu raadin lahaa, islamarkaana loogu gurman lagaa dadka rayidka ah ee halkaa ku sugan.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this