Sign in to follow this  
Deeq A.

Waa tuma gabadha loo magacaabay in ay hoggaamiso Beesha Bariga Afrika?

Recommended Posts

Deeq A.   

Kenya ayaa si rasmi ah u shaacisay qofka noqonaya Xoghayaha Guud ee Beesha Bariga Afrika (EAC), ka dib markii ay u yeeratay Peter Mathuki oo xilkaas hayey tan iyo 2021.

Caroline Mwende Mueke ayaa loo magacaabay in ay noqoto Xoghayaha Guud ee Beesha Bariga Afrika, iyadoo beddeleysa Peter Mathuki oo dhawaan Madaxweyne William Ruto u magacaabay danjiraha Kenya u fadhiya Ruushka.

Wargeysta The Star ee ka soo baxa Kenya oo soo xiganayey qoraal rasmi ah oo ka soo baxay Guddoomiyaha Golaha Wasiirrada Bariga Afrika ee xilligan Deng Alor Kuol, ayaa tibaaxay in magacaabista Caroline Mwende Mueke lagu ansixin doono kulan aan caadi ahayn oo madaxda dalalka ku bahoobay EAC ay ku yeelan doonaan khadka fogaan-aragga Isniinta soo socota.

Tillaabadan ayaa ka dambeysey markii guddoonka EAC oo iminka uu hayo dalka Koonfur Sudan uu qoraal rasmi ah ka helay Wasiiradda Kenya u qaabishan Arrimaha Beesha Bariga Afrika, Peninah Malonza, taas oo ku wargelisey in ay Kenya ay buuxineyso kaalinta uu banneeyey Xoghayihii Guud ee hore.

Qodobka 67 (1) ee Axdiga EAC ayaa dhigaya in Xoghayaha Guud dalkiisu hawl qaran uga baahdo ka hor inta uusan dhammeysan muddo xileedkiisa uu dalkaas soo magacaabanayo qofkii beddeli lahaa.

Caroline Mwende Mueke ayaa ka hor magacaabisteedan waxay ka soo shaqeysay hay’ado kala duwan oo ka tirsan Qaramada Midoobey, waxayna noqoneysaa qofkii 3-aad ee u dhashay Kenya oo xilka Xoghayaha Guud ee Beesha Bariga Afrika qabta.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this