Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhex dhexaadinta qarsoodiga ah ee ay wadaan William Ruto Iyo Ismail Omar Guelleh ma midho dhali doontaa?

Recommended Posts

Deeq A.   

Screenshot_20240415_222800_Chrome.jpg
Nairobi(Qaran news)-Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa Ilo-wareedyo ay sheegayaan in Jabuuti iyo Kenya ay dhex dhexaadinayaan

Tibaaxaha hoose ee dhexdhexaadinta socota, ayaa soo shaac baxday toddobaadkii hore, markii la faafiyay warka ku saabsan soo jeedinta hindisaha heshiiska Kenya ee loo gudbinayo labada dal ee is khilaafsan.

Madaxweynayaasha Jabuuti iyo Kenya Ismaaciil Cumar Geelle iyo William Ruto, ayaa Nairobi ku dhexdhexaadinaya wada-hadallo sir ah oo la isku dayey in ay xal uga gaadhaan xiisadda diblomaasiyadeed ee ka dhex aloosan Itoobiya iyo Soomaaliya, taas oo la xidhiidha sheegashada Itoobiya ee ah in ay galaangal u leedahay badda iyo isku soo dhawaanshaheeda gooni isu taagga Somaliland oo aan Muqdisho aqoonsanayn.

Sidaasi waxaa shaaca ka qaaday ilo-wareedyo ka tirsan urur goboleedka IGAD oo ay soo xiganayeen warbaahinta gobolka ka hawl gasha qaarkood.

Wararka hoose ee dhexdhexaadinta socota, ayaa soo shaac baxday toddobaadkii hore, markii la faafiyay warka ku saabsan soo jeedinta heshiiska Kenya ee loo gudbinayo labada dal ee fiintu dhex miranayso, oo markii dambe ay beenisay Muqdisho.

Soo jeedinta Nairobi waxa ay saadaalisay in laga wada xaajoodo heshiiska kheyraadka badda ee gobolka si loo nidaamiyo sida dalalka mandaqadu ay u heli karaan dekedo qaab ganacsi.

“Wararka ku saabsan heshiiska badda ee ay ku lug leeyihiin Soomaaliya iyo Itoobiya gabi ahaanba waa kuwo aan waxba ka jirin.

Soomaaliya waxay ku adkaysanaysaa madax banaanideeda dhuleed, hase ahaatee, waxaa arrintaasi beeniyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Cumar Balcad,

Qorshaha dhexdhexaadinta Kenya waxa xaqiijiyay madaxa wasaaradda arrimaha dibadda Kenya Korir Sing’oei oo ka hadlayay kulanka ay magaalada Nairobi ku yeesheen madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha Kenya William Ruto.

“Waxaan sii wadeynaa inaan la shaqeyno dhammaan dhinacyada si aan u hubinno, ugu dambeyntii, gobolku inuu ahaado mid xasilloon,” ayuu yidhi sarkaalka sare. Sida xogta aan ku helayno, soo jeedinta dowladda Kenya ee ku aadan in la fududeeyo heshiiska badda ayaa lagu qiimeeyay qaab dhismeedka IGAD.

Ujeedooyinka Kenya, heshiisku wuxuu ogolaanayaa iyadoo la ixtiraamayo madax-bannaanida Soomaaliya, dawladaha aan badda lahayn inay kaalin ku yeeshaan dekedaha ganacsiga ee mandaqada iyagoo xubnaha IGAD wadaaga kheyraadka badda
Muranka u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa qarxay kaddib markii 1dii bishii hore ee January la saxeexay heshiiskii muranka badan dhaliyay ee ay dawladda Itoobiya iyo maamulka Somaliland ku heshiiyeen in Addis Ababa laga kireeyo badda cas, heshiiskaas oo ay diidday Muqdisho oo u aragta inuu buray.

Heshiisku waxa uu dhigayaa in Itoobiya la siiyo 20 KM oo dhul ah oo ku teedsan xeebaha Gacanka Cadmeed ee Somaliland ugu yaraan 20 sanno ah iyo in laga dhiso Saldhig Millatari, taas beddelkeedana Somaliland laga siiyo saami shirkadda Ethiopian Airlines iyo Itoobiya. aqoonsiga madax-banaanida Somaliland.

Xaqiiqda meesha taalaa waxa ay tahay in Somaliland aanu wax talo iyo arrin ah ku lahayn madaxweynaha Somalia.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud kama taliyo Somaliland xataa ma booqan karo 33 kii sanno ee la soo dhaafay hal shakhsi oo ka socda Muqdisho ma uu tagin Somaliland mana tagi karaan xiusaduna hada way ka sii fogaatay sidii hore

Xalka laga raadinayo Muqdisho waxa uu yaallaa Somaliland iyo madaxweynaheeda hada Muuse Biixi iyo ka badeli doona mustaqbalka dhow.

Itoobiya iyo Abiy Axmed waxa ay isku dayeen in ay badda Somaliland kala xaajoodaan Somalia iyo madaxweynahii hore ee Farmaajo taasi oo gabi ahaanba suurto gali wayday.

Waxana madaxweynahii hore ee Soomaaliya Mr Farmaajo uu ka codsaday Abi Axmed in uu geeyo Somaliland, taasi oo uu u arkaayay xalka kaliyaata ee uu ku booqan karo Somaliland, nasiib wanaag Somaliland arinkaasi way ka diiday Abi Axmed socdaalkaasina sidaasi ayuu ku baaqday

Xaaladda Soomaliya iyo Somaliland waxa aad u fahansan Abiy Axmed marka loo eego madaxweynaha Kiiniya William Ruto iyo madaxweynaha Djibouti Jabuuti oo isagu xaqiiqda iska indho tiraya, aaminsana haddii ay Somaliland aqoonsi caalami ah hesho ay dalka Jabuuti u dhamaan doonto arrinkaasi oo khalad siyaasiya ah iyo fikir guracan.

Aqoonsi ay Somaliland hesho waxa ay faa’iido ugu jirtaa gobolka oo dhan waxana xiligan Somaliland ku sugan 15 kun oo reer Kiiniya ah oo shaqaale ah iyo 50 kun oo reer Itoobiya ah iyo tiro intaasi ka badan oo reer Jabuuti ah kuwaasi oo Somaliland uga hawl gala sida dalalkooda oo kale.

Isku soo wada duuboo arinka ay wadaan dalalka Kiiniya iyo Djibouti ma noqon doono mid midho dhala sababta oo ah Xasan Sheekh ma aha nin ka taliya dhulkii/ dawladihii midoobay 1960kii ee Somaliland iyo Somalia.

William Ruto ma aha nin fahansan xaalada Somaliland iyo Somalia wax kasta oo uu la galo Xasan Sheekh ama uu dhex ka noqdo ma aha mud uu Xasan Sheekh uu fulin karo.

Dawlada Itoobiya iyo Abi Axmed waxa la gudboon in ay ku socdaan heshiiska ay la galeen Somaliland, mana jiraan wax alaale iyo wax uu samayn karaa Xasan iyo xukuumaddiisa Muqdisho lagu ilaaliyaa.

Itoobiya oo saldhig laga siiyo xeebta Berbera Somaliland iyo Somaliland oo hesha aqoonsi caalami ahi waa guul u soo hoyatay dhamaan dalalka geeska Afrika iyo caalamkaba, waxa sidoo kale sii xoigaysan doona amniga geeska Afrika.

Xiligani dalalka Djibouti iyo Itoobiya oo xad La leh Somaliland waxa ay xuduudahaasi yihiin kuwa nabdoon oo Somaliland dhankeeda sugtay amnigooda ganacsiga iyo is dhex markuna uu gaadhay heer cid kasttaba ay ku faanto oo ay ka faa’iido

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this