Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo walaac ka muujisay heshiis dhinaca Korontada ah oo ay la gashay Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   
Polish_20240415_181409379.jpg?resize=720

Kenya ayaa soo bandhigtay walaaca ay ka qabto heshiis dhinaca korontada ah oo ay la gashay Itoobiya , sababo la xiriira in aysan Itoobiya buuxin shuruudaha heshiiska.

Itoobiya ayaa wajahaysa caqabado u saamixi waayey soo saarista tamar ku filan in ay koronto dibedda u dhoofiso, taaso Kenya ku qasbaysa inay dib uga fiirsato heshiiska.

Heshiiskaasi ayaa dhigaya muddo 25 sanno ah  in Itoobiya ay Kenya ka iibiso koronto, sida u sheegay madaxa Hay’adda Kenya qaabilsan tamarta iyo shidaalka (EPRA), Daniel Kiptoo oo la hadlay wargeyska The EastAfrican.

Haddii uu fashilmo Heshiiska wuxuu saameyn ku yaalanaya qorshaha ay Itoobiya ku doonayso inay gobolka ku faafiso korontadeeda , si ay dhaqaalo badan uga sameyso.

PUNTLAND POST

The post Kenya oo walaac ka muujisay heshiis dhinaca Korontada ah oo ay la gashay Itoobiya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this