Sign in to follow this  
Deeq A.

Budhcadbadeeda Soomaalida oo $5 milyan oo dollar oo madax furasho ka qaatay markabka MV Abdullah

Recommended Posts

Deeq A.   

Budhcadbadeed Soomaali ah ayaa helay madaxfurashadii ugu horreysey muddo 10 sanno kabadan kadib.

Budhcadbadeeda ayaa habeenkii xalay si rasmi ah uga degay markab xamuul ah oo laga lahaa dalka Bangladesh magiciisuna yahay MV Abdallah kaasoo budhcaddu qabsatey bishii march 2024.

23-shaqaale ah oo la socday markabka MV Abdullah oo ay budhcad badeed Soomaali ah ku qabteen badweynta Hindiya ayaa la sii daayey muddo bil ah kadib.

Mizanul Islam, oo ah la taliyaha dhanka warbaahinta ee Kabir Group, oo ah mulkiilaha markabka, ayaa arrintan xaqiijiyay.

Warbaahinta maxaliga ah ee Soomaaliya oo ay soo xigatay Somalilandtoday ayaa ogaatey in budhcadbadeedu ay isu qaybiyeen laba kooxood, kooxda hore ayaa maalintii shalay ka degay markabka halka kuwa danbe ay habeenkii xalay ka degeen kadib markii ay hubsadeen in lacagtu ay ku jirto gacantooda, ma jirto cid laga qabtey budhcadbadeeda, waxaana ay hadda ku sugan yihiin deegaanada Puntland.

Budhcadbadeeda ayaa lacag kaash ah oo gaareysa $5 milyan oo doolar qaatey kadib markii ay ka degeen markabka. Waa dhaqaalihii ugu badnaa ee Budhcadbadeeda soo gala muddo 10 sanno ka badan, arrintan ayaa awood u siineysa budhcadbadeeda in ay ku maalgeliyaan weerarada ay ku soo qabsanayaan maraakiib kale.

Markabka MV Abdallah ayaa ku dhacay gacanta budhcadbadeedda badweynta Hindiya taariikhdu markey ahayd 12-kii march 2024, waxaa uu ka soo shiracdey dekad ku taalla Mozanbiik, waxaana uu ku jeeday Imaaraadka Carabta.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this