Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo War Kasoo Saartay Xiisadda Kasoo Korortay Gobolka Bariga Dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka walaacsan tahay xaaladda kasoo korortay Bariga dhexe, kadib weerarkii dowladda Iran ay ku qaaday habeen ka hor gudaha Israel, waxaana dowladdu ku baaqday in dhinacyada ay quseyso arrintaan ay si deg deg ah ay u joojiyaan colaadda gobolka ka taagan.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Soomaliya ayaa lagu xusay saameynta arrintaan ay ku yelan karto caalamka iyo gobolka intiisa kale ee xilligaan xasiloon, xilli ay jirto cabsi laga qabo in arrintaan ay kulyeeyaan dowlado isku diidan siyaasadaha Caalamka ee xilligaan.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay aad uga walaacsan tahay is-bedellada cusub ee ka dhacay Bariga Dhexe, waxayna si adag ugu baaqeysaa dhammaan dhinacyada ay khuseyso in ay si deg deg ah u joojiyaan xiisadda colaadeed, ayna is xakameeyaan” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda.

“Colaadaha iyo xiisadahaan sii kordhaya waxay halis galinayaan xasiloonida gobolka oo kaliya balse sidoo kale waxay halis gelinayaan nabadda iyo amniga caalamka. Soomaaliya waxa ay beesha caalamka ugu baaqaysaa in ay qaadaan tallaabo degdeg ah oo lagu dejinayo xaaladda” ayaa lasii raaciyay qoraalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in xiliigaan gobolka Bariga dhexe aan looga baahneyn colaad hor leh, iyadoo markale ku celisay sida baahi loogu qabo in xal laga gaaro wax kasta oo abuuri kara xilligaan gacan kahadal, xilli ay dhibaato badan wajahayaan shacabka dulman ee reer Falastiin ee marinta Qaza.

“Soomaaliya waxay ku nuuxnuuxsatay baahida loo qabo in si degdeg ah loo joojiyo weerarada Israel ee Gaza. Waxa ay u ololaynaysaa in la helo xal cadaalad ah oo ku salaysan xal u helida labada dawladood, waxa aanay dib u xaqiijinaysaa taageerada ay siiso dadka reer Falastiin si ay aayo-ka-tashi iyo cadaalad u helaan” ayaa lagu yiri gabagabada qoraalkii kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Qoraalka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xilli xaaladda Bariga dhexe ay circa isku shareertay kadib weerarkii ay Iran ku qaaday gudaha Israel, taas oo keentay in siweyn looga dareemo caalamka, gobolka ayaa waxaa ka jiro xiisado salka ku haya siyaasadaha isdiidan ee quwada caalamka.

image-9-791x1024.png

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this