Sign in to follow this  
Deeq A.

Kumuu Ahaa Abshir Gaarane, Maxaadse Ka Taqaanaa?

Recommended Posts

Deeq A.   

saacadihii la soo dhaafay waxaa baraha bulshada haysatay geerida fannaan dhallinyaro ah oo lagu magacaabo Abshir gaarrane, kaasoo shil gaari oo duleedka Muqdisho ka dhacay u geeriyooday.

Abshir oo kamid ahaa hooballada da’yarta ah oo muqdisho si weyn looga yaqaanay ayaa qaadi jiray heeso waddani ah iyo kuwa dabacsan, wuxuuna lahaa cod baxsan oo hallaasi ah.

Sida uu wareysi laga qaaday intuu noolaa ku sheegay wuxuu ku dhashay Gobalka gedo gaar ahaan degmada baardheere hilaadda sanadkii 1995-tii, halkaasoo ay qoskiisu degganaayeen.

Intii uu yaraa ayay qoyskiisu Muqdisho keeneen, ka dibna barbaarintaankiisii iyo waxbarashadiisii ayuu ku qaatay, wuxuuna ka mid noqday dhallinyarada firfircoon ee magaalada si uu tibaaxay Kal hore.

Markii uu dugsiga sare ka baxay wuxuu bare ka noqday dugsiga hoose dhexe sare ee Al-qarni oo uu muddo ka shaqaynayay, sidoo wuxuu xubin ka noqday Ururka dhallinyarada degmada Wadajir.

Wuxuu bartay culuumta xariirka caalamiga iyo diblumaasiyadda, asagoo shahaada heerka koobaad ka qaaday Jaamacadda soomafiil, ka dibna wuxuu ku biiray fanka wixii ka dambeeyay sanadkii 2014.

Abshir gaarrane Allaha u naxariistee wuxuu ku geeriyooday shil gaaray oo ka dhacay wadda isku xirta Muqdisho iyo Balcad 14-kii bishan Abriil

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this