Sign in to follow this  
Deeq A.

Kumannaan Ka Tirsan Ciidamada Israel oo Xanuunka Dhimirka Laga Helay, Kadib Weerarkii Iran

Recommended Posts

Deeq A.   

Tan iyo markii uu billowday dagaalka Israa’iil iyo Xamaas 7-dii bishii oktoobar 2023 waxaa khasaare xoog leh oo kala gaaray labada dhinac. Khasaaraha ugu badani wuxuu gaaray dadka rayidka ah ee reer falastiin oo ay dhimashadoodu sare u dhaaftay 34 kun oo ruux, halka kumanaan oo kalena ay dhaawacmeen, sidoo kalena daraasiin badan oo nolol iyo geeri toona lagu waayay.

Sidoo kale macaluul baahsan iyo burbur lixaad leh ayaa ka dhalatay ka dagaalka oo bishii 8-aad si xariir ah u socda, gargaarka bin’aadamnimo oo gaaraahina waa mid xaddidan.

Dhanka Israa’iil waxaa dagaalka ka soo gaaray khasaare baaxad leh oo naf iyo maal leh, waxayna maamul iyo dadweyneba wajahaysaa jahwareer siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo xoog leh.

Ka sokow ciidanka faraha badan iyo qalabka militari oo ay Israa’iil dagaalka ku wayday, waxaa Jira kumanaan askarteeda kamida oo cudurro nafsaani ah ka qaaday dagaalka.

Sida ay warbaahintu ka soo xigatay ila caafimaad oo gudaha Israa’iil ku sugan ku dhawaad 10 kun oo ka tirsan militari-ga ayaa dagaalka dhimir ahaan ugu waxyeeloobay tan iyo markii ay Israa’iil weerarka dhulka ah ku qaaday qasa bishii Ocktoobar 2023.

Si kasta ha ahaatee duullaanka Israa’iil ee qasa oo galay bishii 8-aad ayaan illaa hadda u muuqan mid ay guul la taaban karo ka gaartay, balse waxyeelada iyo gumaadku waxay ku dhacayaan dadka rayidka ah ee reer falastiin.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this