Sign in to follow this  
Deeq A.

Awoodda Iran iyo Israel Miyey Iskudhigmaan Xilligaan, Kadib Weerarkii Tahran ay Qaaday

Recommended Posts

Deeq A.   

Gobolka bariga dhexe waxaa ka jirta xiisad xooggan oo u dhexaysa dalka Iiraan iyo maamulka Israa’iil, taasoo cirka isku sii shareertay 1-kii bishan abriil ka dib markii la weeray oo saraakiil lagu laayay qunsuliyadda iiraan ee dalka suuriya.

Weerarkaas waxay iiraan ku eedaysay Isra’iil, waxayna wacad ku martay inay ka aargoosan doonto, 13-kii bishana waxay duullaan gantaallo iyo diyaaraha aan duuliyaha lahayn isugu jira ku ekaysay gudaha Israa’iil inkastoo aan khasaaraha ka dhashay si buuxda loo ogayn.

Haddaba awood ahaan labada dhinac ma isku dhigmaan?

Si ku xusan warbixin uu machadka global fire power soo saaray sanadkii tagey ee 2013 maamulka wuxuu kamid yahay dalalka ugu awoodda badan bariga dhexe inkastoo ay ciidankooda khasaaro badani ka soo gaartay dagaalka 6-da ka badan socda ee ay kula jiraan ururka Xamaas.

Tirada guud ee dadweynaha Israa’iil ayaa la sheegay inay gaarayso 9.04 milyan oo ruux, halka ciidanka shaqeeya ee heeganka ihi waxay ka kooban 169,500 oo isugu ciidanka badda iyo ciidamada qalabka sida, sidoo kale ciidanka keydka ah ee Israa’iil ayaa lagu qayaaso illaa 300000 kun oo askari.

Dhinaca awoodda ciidanka cirka Israa’iil waxay haysataa:

-) Diyaaradaha dagaalka :612
-) Diyaaradaha tababarka :155 diyaaraha
-) diyaaraha weerarada loo adeegsado : 39 -) diyaaraha howl-galada gaarka ah fuliya :23
-) Diyaaradaha wax daabula :12
-) diyaaraha qumaatiga u kaca : 146
-) helicopter-nada kormeerka sameeya : 48 iyo nooc kale gaadiidka ciidanka cirka ah.

Ciidanka dhulka ee Israa’iil ayaa ayaguna haysta 1370 taangi, 43,407 baabuuurta gaashaaman ah, 650 gaadiidka gantaalada aartalariga xambaara ah, 300 oo madaafiicda la jiido ah, 150 gantaalada difaaca hawada ah.

Israa’iil waxay kaloo leedahay cudud ciidan oo dhinaca badda ah, waxayna haysataa sida warbixinta uu global fire power soo saaray ku xusan 67 maraakiibta ilaalada ah, 45 maraakiibta roondada samaysa ah, iyo 5 gunjis, balse Israa’iil malaha maraakiibta diyaaraha xambaaraha iyo kuwa miinooyinka baara.

Geesta kale miisaaniyadda sanadkii ku baxda ciidanka Israa’iil ayaa lagu sheegay 24.40 bilyan, sidoo kale waxay haysataa 90 madax oo nuglayr ah.
Ciidanka dhulka ee Israa’iil ayaa ayaguna haysta 1370 taangi, 43,407 baabuuurta gaashaaman ah, 650 gaadiidka gantaalada aartalariga xambaara ah, 300 oo madaafiicda la jiido ah, 150 gantaalada difaaca hawada ah.

Israa’iil waxay kaloo leedahay cudud ciidan oo dhinaca badda ah, waxayna haysataa sida warbixinta uu global fire power soo saaray ku xusan 67 maraakiibta ilaalada ah, 45 maraakiibta roondada samaysa ah, iyo 5 gunjis, balse Israa’iil malaha maraakiibta diyaaraha xambaaraha iyo kuwa miinooyinka baara.

Geesta kale miisaaniyadda sanadkii ku baxda ciidanka Israa’iil ayaa lagu sheegay 24.40 bilyan, sidoo kale waxay haysataa 90 madax oo nuglayr ah.

           IIRAAN

Awoodda militari ee dalka Iiraan way sii kordhaysay wixii dambeeyay 1979-kii, waana mid kamida dalalka ugu tunka weyn gobolka bariga dhexe, tirada dadka ee ku noolna waxaa lagu qiyaasaa in ka badan 87 milyan .

Dadka sanad walba gaara ciidannimada ayaa lagu qayaasaa 6,10000 kun, halka tirada ciidanka shaqeeya oo qeybta ugu badan loo yaqaanno ilaalada kacaanku ay gaarayso 350000 kun oo askari, sidoo kale Iiraan waxay leedahay ciidan keyd ah oo lagu qayaaso 2,20000 oo askari.

Dhanka difaaca cirka Iiraan waxay leedahay:

) Diyaaradaha dagaalka :551
-) Diyaaradaha tababarka :102 diyaaraha
-) diyaaraha weerarada loo adeegsado : 23 -) diyaaraha howlgalada gaarka ah fuliya:10
-) Diyaaradaha wax daabula :86
-) diyaaraha qumaatiga u kaca : 129
-) helicopter-nada kormeerka sameeya : 13 iyo nooc kale gaadiidka ciidanka cirka ah.

Ciidanka dhulka ee Iiraan ayaa haysta 1,995 taangi, 65,765 baabuuurta gaashaaman ah, 580 gaadiidka gantaalada aartalariga xambaara ah, 2,050 oo madaafiicda la jiido ah, 775 gantaalada difaaca hawada ah.

Israa’iil waxay kaloo leedahay cudud ciidan oo dhinaca badda ah, waxayna haysataa sida warbixinta uu global fire power soo saaray ku xusan 101 maraakiibta ilaalada ah, 21 maraakiibta roondada samaysa ah, iyo 19 gunjis, iyo hal marabk oo nooca miinooyinka baara ah,balse Iiraan malaha maraakiibta diyaaraha xambaaraha.

Docda kale miisaaniyadda sanadkii ku baxda ciidanka Iraan ayaa lagu qayaasaa 24.59 billion, sidoo kale waxay haysataa gantaalo ballistic ah oo casri ah iyo diyaarado aan duuliye lahayn, balse malaha madaxyo nuclear ah.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this