Sign in to follow this  
Deeq A.

Budhcad badeed madax furasho ka qaatay markab ay ka afduubteen xeebaha Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Burcadbadeeda Soomaalida ayaa sii daayay markab sitay calanka Bangladesh iyo 23-shaqaale ah oo la socday, kaddib markii sida la sheegay madaxfurasho laga qaatay.

Markabkan oo lagu magacaabo MV Abdullah ayaa la sheegay inuu dhuxul ka soo qaaday dalka Mozambique, isagoo ku sii jeeday dalka Imaaraadka Carabta, waxaana markabkan laga afduubay xeebaha Soomaaliya muddo bil laga joogo.

Budhcad-badeedda markabka afduubtay waxa la sheegayaa in ay heleen oo la siiyay$5m (£4m), balse ma jiro war madax-bannaan oo xaqiijinaya sheegashadaas.

Waxaa sare u kacay afduubyada afduubka ah ee ka dhacay xeebaha Soomaaliya bilihii lasoo dhaafay.

In ka badan 12 markab ayaa la beegsaday tan iyo dabayaaqadii bishii November.

Khubarada dhanka ammaanka ayaa sheegay in xeebaha Soomaaliya uu ka jiro xaalad aan wanaagsaneyn, kadib markii ciidamada badda ee shisheeye ee ilaalinayay biyaha ay u weecdeen dhanka Badda Cas, halkaasoo kooxda Xuutiyiinta Yemen ay weeraro ku qaadaan maraakiibta.

Intii u dhaxaysay 2005tii iyo 2012, budhcad badeeda Geeska Afrika waxay heleen lacag u dhaxaysa $339m ilaa $413m iyagoo shaqaalihii markabka afduub ahaan u haystay oo dalbaday lacago madaxfurasho ah, Bangiga Adduunka ayaa qiyaasay.

Dhankalana ma jiraan wax afduub ah oo ay budh cad badeedku ay ka gaystaan xeebaha Somaliland oo aad u dheer.

Ciidamada bada ee Somaliland ayaa sugay amniga bada xaga ay budhcad badeedu wali ka jirto xeebaha bada ee Somalia oo ah dal ku fashilmay dawladnimada

Dawladda Somaliland oo àan wali haysan aqoonsi caalami ah ayaa ilaali ta xeebaheeda waxa ka taageera wadamada midowga Europe iyo dawlada UK.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this