Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey oo shir deg deg ah ka yeeshay Xiisada Israa’iil iyo Iran

Recommended Posts

Deeq A.   
image1170x530cropped.jpg?resize=1000%2C4

Shirkii deg deg ahaa ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey ooay dalbatay Israa’iil ayaa si rasmi ah u qabsoomay waxaana laga jeediyay hadallo falcelin u ah weerarkii Iran ku qaadday Israa’iil.

Wakiilka Ruushka ee Golaha ammaanka ayaa sheegay in ay Horey uga digeen waxa dhacay oo ay golaha ammaanka ka dalbadeen in la cambaareeyo weerarkii qunsuliyada Iran balse laga aamusay, waxaana uu reer galbeedka ku eedeeyay munaafaqnimo iyo laba wajiileyn mudan in laga xishoodo.

“ Horey ayaan uga dignay waxa dhacay, waxaan niri golaha ammaanka ha cambaareeyo weerarkii qunsuliyada, waa laga aamusay, waxa hadda dhacaya reer galbeedka haddii ay qaadi lahaayeen sidan way ka duwanaan lahayd xaaladda…Waxa aan maanta ku arkayno Golaha Ammaanka waa munaafaqnimo iyo laba wajiile, waana wax laga xishoodo” ayuu yiri wakiilka Ruushka.

Wakiilka Shiinaha ee Qaramada Midoobey ayaa Shirka ka yiri “Colaadda daba dheeraatay ee Qasa waxay kordhin doontaa xiisadda gobolka… Weerarkii lagu qaaday qunsuliyadda Iran ee Dimishiq wuxuu ahaa mid halis ah oo xadgudub ku ah sharciga caalamiga— Sida laga soo xigtay Iran, tallaabada milatari waxay jawaab u ahayd weerarkii lagu qaaday qunsuliyadda.”

Dhinaca kale Iran iyo Israa’iil oo isaga jawaabay Shirka Golaha Ammaanka ayaa waxa ugu horrayn hadlay wakiilka Israa’iil “Duniddu waxay marqaati ka tahay xiisad aan horay loo arag kadib weerarkii Iran… Weerarka Iran ayaa halis ku ahaa Masjidka Al-Aqsa iyo Muslimiinta.. Weerarkan tooska ah ee lagu qaaday Israa’iil ayaa ahaa kii ugu horreeyay ee noociisa ah
-Iran waxay khatar ku tahay ganacsiga baddaha caalamka”.

Wakiilka Iran ee Qaramada Midoobay ayaa isna yiri “Jawaabteenu waxay ahayd mid lama huraan ah oo sax ah, waxaanan u fulinay si taxadar leh si loo yareeyo suurtagalnimada in ay sii xumaato oo waxyeelo gaarto rayidka… Muhiimada Mareykanka, Ingiriiska iyo Faransiiska waa inay taageeraan Israa’iil, iyadoo aan loo eegin cawaaqibka ka dhalan kara.”

PUNTLAND POST

The post Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey oo shir deg deg ah ka yeeshay Xiisada Israa’iil iyo Iran appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this