Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo ugu baaqday Israa’iil iyo Iran in ay xakameeyaan colaadda labada dhinac ee sii huraysa

Recommended Posts

Deeq A.   
20231014638328498035346122.jpg?resize=66

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay si weyn uga walaacsan tahay xiisadda ka taagan bariga dhexe, iyada oo ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso in ay si deg deg ah u joojiyaan sii hurinta colaadda, ayna is xakameeyaan.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay si weyn uga walaacsan tahay xiisadda ka soo cusboonaatay bariga dhexe, waxaana ay ku baaqday in dhammaan dhinacyadu si deg deg ah u joojiyaan colaadda, islamarkaana is xakameeyaan.

“Colaadaha sii kordhaya iyo xiisadaha kaliya khatar kuma ahan gobolka, laakiin waxay halis sidoo kalekhatar gelinaya nabadda iyo amniga adduunka” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

“Soomaaliya waxa ay beesha caalamka ugu baaqaysaa in ay qaadaan tallaabo deg deg ah oo lagu qaboojinayo xaaladda isla markaana la yareeyo khatarta colaad kale” ayuu sii raaciyay qoraalka wasaaradda arrimaha dibadda DFS.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay taageersan tahay shacabka Falastiiniyiinta oo doonaya aayo-ka-tashi iyo cadaalad, isla markaana ay u ololeyneyso in colaaddan laga gaaro xal ku dhisan laba dowladood.

FB_IMG_1713130188747.jpg?resize=720%2C90

PUNTLAND POST

The post Dowladda Soomaaliya oo ugu baaqday Israa’iil iyo Iran in ay xakameeyaan colaadda labada dhinac ee sii huraysa appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this