Sign in to follow this  
Qudhac

Is C/Y an obstacle to peace in somalia??

Recommended Posts

Qudhac   

After being out manouvered by the war lords from south and Abdiqassim for the race to be somalia warlord president, the dictator of puntland has being working for the collapste of the peace conference for while now, he has been working with ethopia who has been against this peace process for while now, and after he has failled to destroy the talks now he and his followers in kenya are arguing wether to leave the talks all together. So is this dictator who is ethopias biggest allie the biggest obsticle to achieve government in kenya????

 

 

cabdullahi_shirka_wadatashi4.JPG

 

 

Kulamo labadii maalmood ee nasoo dhaafay kasocday magaalada Nairobi ayey isugu yimaadeen xubnaha ergada ka timid dibada iyo Puntland ee kamid ah ergada C/laahi Yusuf ayaa wadatashigoodii ku heshiin waayey in shirka laga baxo iyo in kale.

 

Kulamadan oo ay ergadan uga wadatashanayeen sidii ay ka yeeli lahaayeen shirka dib u heshiisiinta Soomaalida oo lagu balansan yahay inuu wajigiisa sadexaad galo maalinta Sabtida ah ee fooda inagu soo heysa ayaa waxaa halkaa fikrado isku weydaarsaday ergadaasi.

 

Inta badan ergada kamid ah maamulka C/laahi Yusuf ayaa ayagu sheegay in ay isaga baxaan shirka, arrintan oo ay wataan xubnaha sar sare ee ergada uu horkacayo Col. C/laahi Yusuf, waxaa sidoo kale jira codod kamid ah isla ergadan oo ayaguna ku taliyey in shirka la joogo lagana shaqeeyo wajiga soo socda ee shirka.

 

Dood dheer kadib waxaa halkaa lagu taliyey in labada dhinac ee afkaartooda iska soo horjeedaan lagu qanciyo guddi loo saaray inuu kasoo baaraan dego jidka ugu wanaagsan oo looga bixi karo siyaasada ku aadan shirka Soomaalida ee kasocda dalka Kenya.

 

Xubanaha sida weyn uga soo horjeeda in shirka laga baxo ayey qaar kamid ah ay kujiraan wasiirada maamulka C/laahi Yusuf ee kusugan magaalada Nairobi, waxaana sidoo kale jira in kamid ah ergada kasoo jeeda gobalka Sool in ay ayaguna ka horyimaadeen in shirka la isaga baxo.

 

Guddiga loo saaray in ay talo soo siiyaan kulanka wadatashiga ah ee yeelanayaan xubnahan ayaa waxaa gudoonkooda kamid ah Gen. Cadde Muuse Xirsi oo asagu kamid ah xubnaha hada kusugan magaalada Nairobi.

 

Macada tilaabada ay qaadi doonaan ergadaan ayaadoo ay jirto in taageerada loo hayo shirka dib u heshiisiinta ay ka dhexmuuqato qaar kamid ah wafdiga Col. C/laahi Yusuf oo asagu kasoo horjeesaday in aan shirka laga qeyb galin illaa iyo inta laga saxayo khaladaad uu sheegay in la sameeyey oo uu kamid yahay qodobka 30aad ee dastuuka Kumeel Gaarka ah.

 

 

www.horseed.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this