Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Cali Sandulle - The New Minister

Recommended Posts

Madxweynaha JSL mudane Daahir Rayaale Kaahin isagoo ka duulaya qodobka 90aad farqadiisa labaad ee dastuurka JSL , Isla markaana tixgalinaaya ahmiyada weyn ee Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiintu u leedahay dhismaha dalka iyo Qarankaba iyo baahida weyn ee loo qabo buuxinta hawsha jagada Wasiir ee Wasaaradaasi, waxa uu u magacaabay Mudane Cali Maxamuud Axmed (Cali-sandule) inuu si rasmiya u ahaado Wasiirka Wasaarada Boosaha iyo Igaadhsiinta JSL.

 

Madaxweynuhu isaga oo ku qanacsan kartida, aqoonta iyo hufnaanta shaqo ee uu leeyahay Wasiirka Cusub mudane Cali Maxmuud Axmed (Cali-Sandule) waxa uu amray in uu sida ugu dhakhsaha badan ula wareego xilka wasaaradaasi laga bilaabo maanta 15.11.2009

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxaa maanta wareegto kasoo baxday xafiiska madaxwaynaha JSL Daahir Riyaale Kaahin lagu magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Sool Faarax Askar iyadoo Gudoomiyihii hore ee Gobolka Sool Cali Maxamuud Axmed loo magacaabay wasiirka Boosta iyo Isgaadhsiinta ee JSL.

 

Digreetadan maanta soo baxday ee lagu magacaabay labadan masuul ee xilalka loo kala bedelay qaar na xilal cusub loo magacaabay ayaa waxa ay kaso jeedaan Gobolka Sool iyadoo Cali Maxamuud Axmed uu xilka Gudoomiyaha hayay ka hor intii aysan maamulka Somaliland aysan soo gaadhin magaalada Laascaanood.

 

Cali Maxamuud Axmed ayaa waxa uu maamulka Somaliland si adag uga dhaqaajiyay magaalada Laascaanood iyadoo hadda uu maamulka Somaliland ay laamihiisa kala gedisan ay si toos ah uga shaqeeyaan Gobolka iyadoo Gudoomiyuhu uu ahaa nin si wayn uga shaqayn jiray nabad gelyada iyo hormarka Gobolka Sool.

 

Hadaba Faarax Askar oo hadda loo magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Sool ayaa horay waxa uu u ahaan jiray Gudoomiyaha waxbarashada Somaliland ee Gobolka Sool 2007-kii isagoo in muddo ah ku sugnaa magaalada Laascaanood ayaa shacabka magaalada waxa ay hadda ka sugayaan inuu is bedel muuqda oo wayn ka sameeyo xaalada Gobolka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this