Sign in to follow this  
GAAROODI

AL-SHABAB GROUP SPLINTERS ANOTHER GROUP CALLED MILATU IBRAHIM

Recommended Posts

GAAROODI   

Garab Ka Go'ay Al-shabaab Oo labaxay Milatu Ibraahim.

 

Written by Osman Abdillahi Sool

Dec 21, 2009 at 05:51 PM

Sida ay sheegayaan ilo wareedyo lagu kalsoonyahay oo ku dhaw-dhaw Al-Shabaab ayaa waxa sii xoogeystay muran iyo is qab-qabsi u dhaxeeya Aragagixisada Al-shabaab kaas oo maalmahanba soo jiitamayey.

Khilaafkan oo markii hore ku yimi kala duwanaansho dhinaca fakirka ah oo u dhaxeeya Horjoogayaasha Shabaab-ka ayaa cirka isku shareeray wixi ka danbeeyey horaanti bishaan markaas oo ay Argagixisada Shabaab-ku sameeyeen qarax is miidaamin ah oo ka dhacay huteel-kii Shaamoo.

Wararka ayaa sheegaya in muranka uu faraha ka baxay markii afhayeenka Al-Shabaab Cali Maxamud Rageh uu beeniyey Qarax is miidaamin ah oo ay si qoto-dheer u soo abaabuleen Shabaab-kU kaas oo lagu dilay saddex wasiir oo ka tirsan dowlada Shariifjka,Professors,Arday,iyo waalidiin.

 

Qaraxa oo ay si dhab ah uga danbeeyeen ayaa xaqiijintiisa waxaa jidgooyo u dhigtay oo marin habaabiyey Cali Dheere taas oo kicisay xasaasiyada muuqatay ee u dhaxaysay Madaxda Argagixisada Shabaab-ka.

 

Qaraxii lagu fuliyey Huteel Shaamo ayaa waxa uu sababay in Al Shabaab ay laba garab u kala jabaan,labadaasi garab ayaa kala ah koox lagu magaacbo Millatu Ibraahiim iyo kooxda Al Shabaab.

 

Milatu Ibraahim ayaa ah koox ka soo hoos baxday Shabaab-ka oo ku dhawaaqday in ay tahay koox Islaami ah oo Mujaahidiin ah kana madax banaan Shabaab-ka,waxaa ay isagu jiraan Soomaali iyo Ajnabi.

 

Kooxdaan waxa ay iyagu ka cadhootay in la qariyo sheegashada qaraxii ismiidaaminta ahaa ee Huteel Shaamo,waana koox Mayal-adag oo Naxariista ka fog.

 

Kooxda Milatu Ibraahim ayaa la xaqiijiyey in ay hogaanka u hayaan koox ajinabi ah oo ay wehliyaan Soomaali aanan badnayni, waxa jira war tibaaxaya in kooxdan ay ku jiraan dhamaan Ajinabiga jooga magaalada Muqdisho. Waa caadi ah in Kooxaha Danbiilayaasha ah ee ku soo gabada Diinta Islaamka ay aakhir-ka u kala jabaan Garab-garab iyo Ricil-ricil

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Garoodi, due to your continuous lack of respect and obvious hatred for some Somalis no body here is interested in to read any news article that you post. Please don't waste your time.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this