Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Mr fuad adan cadde sacked By the President of somaliland

Recommended Posts

Madaxweynaha Somaliland Oo Xilkii Ka Qaaday Wasiirkii Deegaanka Iyo Horumarinta Miyiga Fu'aad Aaadan

Written by Qarannews

Apr 03, 2008 at 03:05 PM

 

 

Hargeysa (Qaran)- Madaxweynaha Somaliland, Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa maanta xilkii ka xayuubiyay |Wasiirkii Deegaanka iyo horumarinta Miyiga, Md. Fu'aad Aadan Cadde, ka dib markii uu dhaliilay gobolada iyo degmooyinka cusub ee dhawaan la magacaabay.

Madaxeynaha Somaliland, Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa ku eedeeyay wasiirkaasi inuu ku xad-gudbay anshaxa iyo akhlaaqiyaadka wasiirnimo ee uu ka hayay xukumada.

Warsaxaadeedka xilka lagaga qaaday wasiirkii deegaanka ayaa u qornaa sidan "Wareegto uu Maanta soo saaray Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin oo ku saabsan Xil ka qaadista Wasiirkii Horumarinta reer Miyiga Fu'aad Aadan Cadde .

Waxa uu ku sheeay ka dib markii wasiirkaasi uu ku xad gudbay anshaxa iyo akhlaaqiyaadka wasiirnimo , isaga oo mar walba isaga hadla wixii afkiisa ku soo dhaca , wax badana Madaxweynuhu uu ka gaabsaday in uu tallaabo ka qaado xad gudubyadaasi uu ku kacay , waxa uu gartay in xilka Wasiirkii Wasaarada Horumarinta Reer Miyiga ee uu Qaranka u hayay laga qaado Laga bilaabo Taariikhda Maanta.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu wareegtadaasi ku sheegay , maadaama xilka laga qaaday wasiirkaasi in uu u madax banaanaado hadalada macno darada ah ee uu maalin walba ku hadlayo, isaga oo madaxweynuhu faray sida ugu dhakhsaha badan uu xilka ugu wareejiyo si niyad sami ah wasiir ku xigeenka Wasaarada Horumarinta Reer Miyiga , inta aan wasiir hanta xilka wasaarada loo Soo Magacaabayo''.

Dhanka kalena ila hada wax hadal ah oo la xidhiidha eedaymahaasi xilka lagaga qaaday kama ay soo yeedhin dhanka wasiirka xilka laga qaaday oo ah rugcadaa siyaasi ah, mudane Fu'aad Adan Cadde waxa uu ahaa wasiir had iyo gooraale dhaloola xukumada uu ka tirsanaa, waxa aanu aad ugaga duwanaa madaxda kale ee golahii wasiirada ee uu ka tirsanaa waxa uu aaminsanaa in xoog iyo qori caaradii gobolada Sool lagaga kiciyo maamulkii Puntland ee qabsaday gobolka Sool, taasi oo uu xukumada Rayaale dhowr jeer ku dhaliilay in ay xoog lagu kiciyo ka door bidayso in siyaasad la adeegsado.

Xidhiidhka madaxweyen Rayaale iyo Fu'aad Adan Cadde waxa ay aad u u sii kala f******** tan iyo intii uu madaxweyne Rayaale magacaabay gobolada iyo degmooyinka cusub, taasi oo khilaafkooda ugu weyni uu salka ku hayo, taasi oo laga yaabo in ay jiraan waxyaabo kale, Fu'aad Adan Cadde waa masuulka kaliya ee qaadacay ama ka soo horjeestay xukamdii uu ka tirsanaa siyaabaha ay ugu magacwday degmooyinka iyo gobolada cusub, xaga golaha wasiirada intiisa kale ay soo dhaweeyeen.

 

Qarannews

Hargaysa

Somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this