Sign in to follow this  
General Duke

Clashes resume as warlords ignore cesefire...Fighting intensify

Recommended Posts

Dagaalladii ka socday Magaalada Muqdisho oo galay maalintii 4-aad iyo waanwaanno socda

Posted to the Web May 10, 07:43

 

 

Muqdisho (PP) - Dagaalladii ka socday magaalada Muqdisho ayaa galay maalintoodii 4-aad iyadoo labada dhinac ay is weydaarsanaayaan hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana dagaalaldaan ay billowdeen xalay gallinkiio dambe.

 

 

Inkastoo ay jiraan dadaallo lagu doonayo in lagu dhamemeyo dhamaan khilaafaadyada sababay inay dhacaan dagaalladaan ayaa haddana dagaalka wuxuu u eg-yahay mid sii xoogeysanaya labada dhinacna aysan doonayn inay joojiyaan.

 

 

Midowga Maxkamadaha oo shalay ku dhawaaqay inay joojinayhaan dagaallada isla markaana aysan sii wadayn dagaaallada ayaa waxay sheegeen inay saakay is difaacayaan isla markaana aysan doonayn inay sii wadaan dagaal kale oo hor leh.

 

 

Dhanka kale ayaa ku eedeeyay Maxkamadaha Islaamiga ah inay wadaan qorshayaal cusub oo ay ku doonayaan inay dagaalka ku sii wadaan, waxayna sheegeen inay iyagu saakay dagaalka billaabeen, balse dhanka maxkamadaha way inkireen arrintaas waxayna sheegeen in dagaalka lagu soo qaaday xalay.

 

 

Waxaa socda dadaallo ay wadaan odayaal isla markaana ay ku doonayaan inay dagaallada ku joojiyaan inksatoo aan la garanayn inay taasi noqon karto mid hirgasha iyo in kale.

 

 

Wixii warar ah ee ku saabsan dagaalladaan u dhexeeya Maxkamadaha iyo Ciidammo deegaaneedka SIISII waxaad kala socon doontaan wixii ku soo kordha Puntlandpost.com haddii ALLE ogolaado.

 

 

 

 

 

Maxamed Xuseen Jantiile

 

 

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

 

 

puntlandpostmog@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maxaa ku dhacay xabbad joojintii?

 

It really bleeds my heart, having two waalid there, plus an ayeeyo who joined them recently from Neyroobi, plus a sister and her children. All living three different houses, albeit same degmo of Hodan. The elders refuse to leave Xamar, as my old man did in early '90s, vowing they will die there maalintee tooda soo gisho.

 

Really, walaahi, naxdintii ee naga dhameeyeen. Yaa nagu soo diray inkaarqabiyaashaan. Sidii habar camal ma u habaari karnee.

 

angry-smiley-164.gifangry-smiley-164.gifangry-smiley-164.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ Brother my heart goes out to you... Here is the latest news on Mogadishu clashes...

 

Dagaalkii ugu qaraaraa oo ka socda Siisii

N,B ka fiiri hoos sawirada goobaha la isku hayo

 

Mogadishu 11 May. 06 ( Sh.M.Network) Dagaal ayaa maalintii 5aad si xoogan uga socda deegaanka Siisii ee magaalada Muqdisho, iyadoo dagaalkaasina uu yahay kii ugu darnaa oo si aan kala go' laheyn xalay u bilowday ilaa haatana socda, waxaana socda madaafiic iyo rasaas culculus oo labada dhinac ay isweydaarsanayaan.

 

In ka badan 10 madfac ayaa xalay ku soo dhacday deegaano ka tirsan degmooyinka Yaaqshiid iyo Huriwaa, iyadoo 7 ruuxna ay geeriyotay markii madfac uu ku habsaday gurigooda oo ku yaala Huriwaa halka inta la og yahay dagaaladii xalay ay ku geeriyoodeen 20 ruux oo u badan dad rayid ah.

 

Isbitalka Madiina ayaa maanta waxaa la geeyay ilaa 9 ruux oo dhaawac ah oo u badan dad rayid ah oo rasaas habow ah ay ku soo dhacday, iyadoo tirada dhaawaca isbitalkaasi yaala ay yihiin ilaa 90 ruux oo ku soo dhaawacmay 5tii maalmood ee dagaalka uu socday, halk Isbitalka Keysaneey maanta la geeyay 22 ruux oo dhaawac ah iyadoo tirada dhaawac ay ka dhigeyso ilaa 144 ruux oo dhaawac uu ka soo gaaray dagaaladaan oo socda maalintii 5aad.

 

Dagaalkaan oo u dhaxeeya maleeshiyooyin kala taabacsan Midowga Maxkamadaha iyo isbaheysiga la dagaalanka argagixisada ayaa ahaa mid xalay ilaa haatan aan lagu kala nasan, iyadoo xaafadaha qaar ee magaalada Muqdisho ay ku dhaacayaan madaafiic iyo rasaas habow ah.

 

Dagaalkaan oo geeystay qasaaro dhimasho iyo dhaawacbo ayaa ilaa iyo haatan aan la sheegi karin qasaaraha rasmiga ah, rasaasta oo socota aawadeed.

 

Daryanka madaafiicda iyo rasaasta culculus ayaa xalay aan laga jiifan, iyadoo madaafiic iyo rasaas habow ah ay ku dhaceysay xaafadaha ku dhow dhow goobta dagaalka uu ka socday iyo goobo ka baxsan..

 

Ma muuqato ilaa iyo iminka waanwaan nabadeed oo laga dhex wado labada dhinac oo maalintii 5aad isla dhacaya madaafiic iyo rasaas culus.

 

Qoysas aad u fara badan oo gacmaha ku sita caruur ayaa saakay lagu arkayay wadooyinka magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ka soo barakacay xaafadaha Jungale, Warshadaha, Huriwaa iyo meelo kale oo ku dhow dhow goobta dagaalka.

 

Dagaalkaan oo si aan kala joogsi laheyn u socda maalintii 5aad, lagana cabsi qabo in uu ku fido deegaano kale ayaa Labada Dhinac ee dagaalamaya waxa ay iska dhagatireen baaqyo nabadeed oo ku aadan in xabadda ay joojiyaan, iyadoo baaqyadaasi ay kala yimaadeen waxgarad Soomaaliyeed iyo beesha caalamka oo ka walaacay sii socoshada dagaaladaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this