Sign in to follow this  
Juje

Sh Shariif wafdigii uu Hogaaminayey oo Cumareystay lana kumay Maxdax kale + PICS

Recommended Posts

Juje   

Warsaxaaadee ka soo baxay Xafiiska warfaafinta Madaxtooyada DKMG ah ayaa lagu Sheegay in Sheekh Shariif Sh Axmed iyo wafdigii uu Hogaaminayey ee Socdaalka ku joogay Dalka Sacuudiga ay ka Qeyb galeen Furintaanka Jaamacad Cusub oo laga furay Dalkaas

Madaxweynaha soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed waxaa maalintii talaadada(22-09-2009 ) u suurta gashay in isaga iyo wafdigiisa ay gutaan cumro, Madaxweynaha ayaa markii ay cumradu u dhamaatay wacdiyay Wafdiga la socday ka dibna kacbada dhexdeeda ugu duceeyay Wafdiga la socday gaar ahaan guud ahaana dalka soomaaliya iyo Dalkaba in EEBBE ka dulqaado.

Madaxweynaha Maalintii Arbacada(23-09-2009) Waxaa uu ka qeyb galay furitaanka Jaamac casri ah oo la yiraa “Jaamaca Boqor Cabdla ee Sayniska iyo Tiknooloojiyada, oo lagu tiriyo jaamacadaha ugu casrisan uguna hormarsan aduunka.

furitaankaas oo ay ka soo qeybgaleen Boqoro, Madaxweynayaal ka kala yimid aduunka dacaladiisa Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay Jaamacada waxaa uu yiri “Waa Jaamac nooceeda oo kale uu yar yahay, Waxayna Jaamacad noocaan oo kale ah ay xaqiijineysaa faaido badan”.

furitaanka jaamacadu waxay ku soo beegmaysay sanadguuradii 79aad ee Boqortooyada Sucuudiga, sidaa darteedna Madaxweynaha Soomaaliya waxaa uu Boqorka Boqortooyada sucuudiga iyo Shacabka Sucuudigaba uu u gudbiyay Hanbalyada, Dowlada Soomaaliya iyo Shacabka Soomaaliya ee ku aadan maalintaa ku weyn Sucuudiga.

Madaxweynaha Waxaa uu uga mahad celiyay Boqortooyada Sucuudiga sida ay u garabistaagneyd soomaaliya, waxaana uu ka codsaday in xiligaan loogu baahi badan yahay garab gargaar bani’aadanimo, mid diplomaasi labadaba.

Madaxweynuhu wuxuu shirar goon gooni ah la qaatay Madaxweynayaal uu ka mid yahay Madaxweynaha Yaman, Cali Cabdulaahi Saalax, Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geele, Madaxweynaha Turkiga Cabdulaahi Gol iyagoo ka wada hadlay xiriirka soomaaliya iyo dalalkaas iyo sidii loo sii xoojin lahaa loona horumarin lahaa.

Madaxwyenuhu wuxuu ka anbabaxay xalay Dalka Sucuudiga isagoo gaaray dalka maraykana si uu uga qeyb galo shirka Qaramada Midoobay.

 

110.jpg

 

213.jpg

 

47.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

213.jpg

Madaxweynuhu wuxuu shirar goon gooni ah la qaatay Madaxweynayaal uu ka mid yahay Madaxweynaha Yaman, Cali Cabdulaahi Saalax, Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geele, Madaxweynaha Turkiga Cabdulaahi Gol iyagoo ka wada hadlay xiriirka soomaaliya iyo dalalkaas iyo sidii loo sii xoojin lahaa loona horumarin lahaa. :D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dhubad.   

Originally posted by Jacaylbaro:

shariifku wax suudhka ayuu ku qurux badnaa ilayn ,,,,
:D

:D

 

Can you imaging Riyaale oo labo qayd xiran ? icon_razz.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Your President might have already got the kinda help that he needed from Allah which is to be to be what he wanted to be, a Somali President. Nevertheless, now he needs your help so I command you to take the AK 24/7 and start shooting those "buglanders and the cowerds who got angry" by seeing these pictures :D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

I see now but let me ask you this, are you doing it for free or your good uncle is wise enough to give your good share of the cake? :D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this