Sign in to follow this  
Fiqikhayre

Abdirashid Hidig condemns ONLF activities inside Puntland urges them to leave State

Recommended Posts

Garoowe: “Halkan waa Puntland maahan Itoobiya, hadii ONLF ay wax ka abaabusho halkan dagaal meesha ay jamhada ka yihiin waa inay aadaan”, Wasiiru dawlaha arimaha gudaha Soomaaliya C/rashiid Xidig.

 

WasuurudawlahaArimahaGudahaSomaliya.jpg

 

Published on: November 5,2009 Garowe Time 6:19 pm

 

 

Garoowe (RBC):- Wasiiru dawladaha arimaha gudaha dawlada KMG ah ee Soomaaliya C/rashiid Maxamed Xidig, ayaa maantay shir jaraa’id waxa uu ku qabtey xarunta Madaxtooyda Puntland ee Garoowe.

 

Mr. Xidig waxaa uu sheegay in Puntland ay soo gaareen Maalintii Talaada oo ay kasoo dageen Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, waxaana uu sheegay in ujeedka safarkoodu inuu ku qotomo.

 

“Waxaan u nimid halkaan, waxaad ogtihiin in Puntland ay ahay Dawlada [state] ka mid ah dawlada Federaalka, waxaa naga dhaxeeya xiriir iskaashi iyo arimo badan, waxaan kalo u nimid kuliyada tabobarka ciidamada ee Carmo oo ay ku jiraan ciidan badan oo hadda tabobar u xirmayo, iyadana inaan gaarno ayaan jecelnahay”, ayuu yiri Wasiirku.

 

Wasiirka oo la waydiiyay su’aal ahayd waxa keenay xiligan inay booqdaan Kuliyada Carmo ee ciidamada lagu tabobaro, iyadoo ay jirto in dawlada KMG ah ee Soomaaliya ay ciidamadeeda tabobar ugu dirto wadamada dariska la ah Soomaaliya, ayaa su’aashaas waxa uu uga jawaabay “Runtii kuliyada Carmo ciidamo faro badan ayaa tabobar uga socdaa, kuwa kalena oo cusub waa la keenayaa, Carmana waxay tahay kuliya kaliya ee ciidamo soo saarta oo dalka gudihiisa ku taala”, ayuu uga jawaabay wasiirku.

 

Dawlada Puntlnad ayaa la sheegay in ay xirxirtay dad kasoo jeeda Dhulka Ismaamulka Soomaalida ee wadanka Itoobiya, dadkaas oo ay ku eedaysey inay la shaqeeyaan ururka ONLF ee la dagaalama wadanka Itoobiya, wasiirka ayaa la waydiiyay in uu arimahaas kala hadley dawlada Puntland, wuxuuna sheegay in arimahaas uu idaacadaha ka maqley, dawlada Puntland uu kala hadlayo.

 

“Arimahaas waxaan ka maqley idaacadaha, siday wax u jiraana waan ogaanaynaa, ONLF waa Xisbi la dagaalama dawlada Itoobiya, halkan maahan Itoobiya waa Puntland waana Soomaaliya, haddii nimankaas dagaal ka maleegayaan halkan loo dulqaadan mayo, qofkii jamhad ah meeshuu xoreysanayo waa inuu ka dagaalamaa inkastoo aanan cidna dagaal ku taageerayn”, ayuu yiri Wasiiru dawlaha arimaha gudahu.

 

C/rashiid Maxamed Xidig waxaa uu mahad balaaran u jeediyay dawlada Puntland oo uu sheegay inay mar walba garab taagan tahay nabada iyo sidii dalka Soomaaliya ay nabad uga dhalan lahayd, wuxuuna sheegay ka codsaday umada kusoo barakacday Puntland inay nabada ay yimaadeen ee loo ogolaaday ay xushmeeyaan.

 

Waftiga ka socda dawlada KMG ah ee Soomaaliya ayaa soo gaarey Magaalada Garoowe shalay galinkii danbe, waxayna kulamo xarunta Madaxtooyda kula lahaayeen Madaxwaynaha Puntland , Wasiirada iyo saraakiisha Ciidamada Puntland, waxana lagu wadaa in waftigan ay soo booqdaan Kuliyada tabobarka ciidamada ee Carmo uu ku taala inta u dhaxaysa Degmada Qardho iyo Boosaaso.

Share this post


Link to post
Share on other sites

BidixGenQaybdiiddhexdaWdawlahaArima.jpg

 

Left Chief of the TFG Police Commander Qeybdiid, in the middle Abdirashid Hidig (Junior) Minster for internal affairs of the TFG and right Madaxweyne Faroole President of Puntland State.

Share this post


Link to post
Share on other sites

BidixCabdiQaybiidDhexdaWasiirkuxige.jpg

 

Left Qabydiid Commander of the TFG Police force, in the middle Deputy Minister for the interior, local governments and the advancement of the rural people in Puntland Cali Yusuf Cali Xoosh and his superior, the Minister Cabdullahi Axmed Jaamac Ilkajiir who heads the department.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

hmbnr.jpg

 

Hmmm. Whoever's the designer should have chosen a better picture. The presi looks familiar to something else. smile.gif

 

Plus the Xidig guy looks Ethiopian. We wont listen to him.

 

Better my Sri Lankan Look. icon_razz.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this