Sign in to follow this  
Deeq A.

Xasan Sheekh oo looga digay ‘bahdil siyaasadeed weyn’ ka hor safarkiisa Addis Ababa

Recommended Posts

Deeq A.   
Xasan.jpg?fit=2048%2C1152&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya oo markii ugu horreysay shaaciyay inuu safar u yahay magaalada Addis Ababa, xilli ay weli taagan tahay xiisadda badda, ayaa looga digay bahdil siyaasadeed weyn oo Soomaaliya ka raaca socdaalkaasi.

Madaxweynaha oo socdaalkiisa Addis Ababa ku tilmaamay mid muhiim ah, maadaama ay ka dhacayaan shirar ay iskugu imanayaan madax badan, balse waxaa loo arkaa mid fursad u siin kara Itoobiya in markale fal bahdil ah kula kacdo Soomaaliya.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qoraal kasoo saaray arrinkaan, wuxuu madaxweynaha usoo jeediyay in uusan tegin Addis Ababa, isagoo sheegay in xilliyadan oo kale laga dhowrsado in dowladdii dalkaada ku xad-gudubtay ay markale fal bahdilid ah kugula kacdo, Abiy Axmadna waa nin ay ka suurowdo.

Inkasta oo uu madaxweyne Xasan uu xusay in weli Soomaaliya mowqifkeeda aanu isbeddelin, welina halkiisii uu yahay xad-gudubka ay gaysatay Ethiopia, haddana walaac ayaa laga muujinaya socdaalkiisa Addis Ababa oo fursad kale siin kara xukuumadda Abiy.

Hoos ka aqriso qoraalka Cabdiraxmaan oo dhameystiran;

Dawladu waxay qaaday tallaabooyin looga jawaabayo xadgudubkii Itoobiya ee gobonimada, madaxbanaanida iyo wadajirka dalkeenna. Xukuumaddu go’aan adag ayey soo saartay oo safiirkeenii ayey dib ugu yeeratay, baarlamaanka labadiisa aqal ayaa sidoo kale go’aan adag soo saaray, Madaxweynaha ayaa hadal adag jeediyey.

Waxaan galnay dadaal adag oo diblomaasiyadeed oo aan ku kasbanay taageerada ururrada gobolka iyo kuwa caalamiga ah. Intaasoo idil waa hawl wayn oo macno leh.

Waxaase oo intaasoo idil muhiimad u dhiganta leh in hoos loo dhigo xiriirka diblomaasiyadeed ee Itoobiya inta ay xadgudubka ka noqonayso. Waxay ahayd;-

1- In aan safiirkeena soo ceshano, billawgii waan samaynay, laakiin dib ayaa loo celiyey, sababta lama caddayn.

2 In safiirka Itoobiya dalkiisa loo diro, laakiin isagoo qaranka Soomaaliyeed aflagaadeeyey ayuu weli dalkeena safiir ka yahay.

3- In madaxda dawladda aysan Addis Ababa tegin, inta xal laga gaarayo xadgudubka Itoobiya, laakiin Madaxweynihii ayaa u socda, isagoo ku doodday in shirar muhiim ah oo ay madax badan isku imaanayso ka dhacayo.

Waa sax, laakiin sow wasiirka arrimaha dibadda ama Raysalwasaare ku xigeenka kuma filna in ay dooddeena jeediyaan, ileyn shirku waa maalin ama laba. Mise cid aan Madaxweynaha ahayn kaalintaas ma buuxin karto? Waxaa xilliyadan oo kale laga dhowrsadaa in dawladdii dalkaada ku xadgudubtay ay markale fal bahdilid ah kugula kacdo, Abiy Axmadna waa nin ay ka suurowdo.

4- In la magacaabo wasiir arrimo dibadeed oo hawl-kar ah, sax maaha in aan dagaal diblomaasiyadeed ku jirno, dalkuna labo bil iyo bar wasiir arrimo dibadeed lahayn.

5- In Shacabka gudaha dalka iyo dibada la abaabulo, gaar ahaan kuwa qurbaha oo dalalka ay muwaadiniinta ka yihiin ka loobigareeyaan. Weli ma dhicin

Nasiib-darro, Xukuumad gaabiska lagala xisaabtami lahaa lama hayo, Baarlamaankuna Madaxweynaha lama xisaabtamo, inkasta oo xaalka Golaha Shacabku yahay ninka wayn ayaan iska celinayaa ee shacabow ka yar iga dhacsha oo ay dastuur bedel ku mashquulsanyahay.

The post Xasan Sheekh oo looga digay ‘bahdil siyaasadeed weyn’ ka hor safarkiisa Addis Ababa appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this