Sign in to follow this  
Cowke

Bossaso:New Mogadishu Campus Opened. Pictures

Recommended Posts

Cowke   

jam14.jpg

 

bi1-300x225.jpg

 

jam7.jpg

 

jam8.jpg

 

jam5.jpg

 

jam6.jpg

 

jam9.jpg

 

jam3.jpg

 

Wasiirka Maaliyada Puntland oo Xariga Ka Jaray Xarunta Cusub ee Jaamacada Muqdisho (Sawiro)

 

Boosaaso (RBC Radio) Musaabad ballaaran oo xariga looga jarayo dhisme cusub oo ay leedahay Jaamacada Muqdisho, faraceeda Boosaaso oo haatan noqotay Jaamacada ugu ballaaran Soomaaliya oo dhan ayaa maanta lagu qabtay xarunta Jaamacada ee magaalada Boosaaso.

 

Munaasabadan oo ahayd mid ballaaran waxaa ka soo qeybgalay masuuliyiin ka socota dowlada Puntland, wafdi ka socda dalka Qadar oo maalgeliyey xaruntan cusub iyo qeybaha bulshada ee reer Boosaaso.

 

Masuuliyiinta Jaamacada Muqdisho ee ka qeybgashay xafladan waxay si aad ah uga hadleen dadaalka loo soo maray bilaabida dhismahan oo ku dhameystirmay mudo 9 bilood ah, xilli Jaamacada Muqdisho ay ka socdeen duruusta kala duwan ee waxbarashada Jaamacada. Iyadoo masuuliyiintii dhinaca maamulka ee ka qeybgashay xafladana ay amaan u soo jeediyeen aqppnyahanada hormuudka ka ah barnaamijkan Jaamacada Muqdisho ay wado.

 

Gudoomiyaha Jaamacada Muqdisho Dr. Cali Sheekh Axmed Abuu Bakar oo munaasabada ka jeediyey khudbad kooban hase yeeshee qiiro badan lahayd ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in mid ka mid ah mashruucyada waxbarasho ee ay Jaamacada Muqdisho wado laga hirgaliyo Puntland gaar ahaan magaalada Boosaaso ee gobolka Bari isagoo tilmaamay in waxa ugu weyn ee bulsho loo sameeyo ay tahay tacliinta.

 

 

Dr. Cali Sheekh Axmed

 

Dr. Cali oo ka hadlay dhibaatada soo martay dalka ayaa sheegay in ay ugu weyneyd burburka ku yimid heerarkii tacliinta dalka taasi oo iyaduna galaafatay guud ahaan qeybihii kala duwanaa ee nolosha. Wuxuuna ugu baaqay guud ahaan dadka Soomaaliyeed inay ka shaqeeyaan dhisida garaadka iyo tacliinta dadka.

 

Wuxuu xusay in hadafka ay leedahay Jaamacada Muqdisho ay tahay in la helo aqoonyahan Soomaaliyeed oo aan diidaneyn Muslimnimadiisa, Soomaalinimadiisa, Carabnimadiisa iyo Akrikaanimadiisa. Isagoo intaa raaciyey Dr. Cali in haddii intaas wax ka mid ah qofka uu diido ay adag tahay inuu jiro.

 

Dr. Cali Sheekh waxaa uu qeexay in markii Soomaalida xoriyada qaadatay laga fekeray oo kaliya sidii looga faa’ideysan lahaa laakiin la ilaaway in la daryeelo oo la ilaashado taasina ay tahay mida dishay ‘Hashii Mandeeq’ oo uu ula jeeday xoriyada.

 

Mowlaaya Rashiid Calawi oo ah wakiilka hay’ada Kheyriyada ee Qadar ee wadamada Geeska Afrika isla markaana maalgelisay dhismahan cusub ayaa xaflada uga mahadceliyey haweeney u dhalatay Qadar oo lagu magacaabo ‘Sheekhah Kamam Jasim Cali Aala Thani’ oo ku deeqday dhaqaalaha ku baxay xaruntan cusub iyadoo u soo marsiisay hay’ada Kheyriyada ee Qadar.

 

Mowlaaya Rashiid Calawi ayaa dhinaca kale ku amaanay dadka Soomaaliyeed sida ay ugu soo jeesteen horumarinta dalkooda gaar ahaan adeegyada muhimka u ah nolosha, wuxuuna ugu baaqay Soomaalida inay ka fogaadaan khilaafaadka dhexdooda oo uu sheegay inay tahay waxa horseeda burburka bulshada.

 

Madaxa hay’ada Tadamun C/laahi Sheekh Xasan oo munaasabada ka hadlkay ayaa isaguna tilmaamay in hay’ada Tadamun ay ahayd mida hirgalisay mashruucan iyadoo la kaashaneysa hay’ada maalgelisay ee Kheyriyada Qadar, wuxuuna C/laahi Sheekh kula dardaarmay bulshada qeybaheeda kala duwan inay ka faa’ideystaan adeegyada waxbarashada ee Jaamacada ay wado.

 

 

Wasiirka Maaliyada Puntland Dr. Faarax Cali Jaamac oo xariga ka jaray dhismaha cusub ayaa si weyn ugu amaanay Jaamacada Muqdisho iyo hay’adaha kale ee ku taageeray dhismahan cusub. Wuxuuna wasiirku ku dhawaaqay in dowlada Puntland ay si buuxda dhaqaale iyo farsamo intuba ku taageereyso waxbarashada oo dhan.

 

Wasiirka ayaa dhinaca shirkadaha ganacsiga u soo jeediyey inay dhaqaalahooda qeyb ku bixiyaan waxbarashada iyo adeegyada aas aasiga ah.

 

Dadka kale ee xafladan ka hadlay waxaa ka mid ahaa gancsato, isimo, culimo iyo aqoonyahano kuwaasi oo dhamaantood soo dhoweeyey isla markaana ku dhiirigeliyey dadaalada dhinaca horumarinta ee ay wadaan aqoonyahanada Soomaaliyeed.

 

Jaamacada Muqdisho oo la aas aasay sanadkii 1997 ayaa haatan labo sano ka hawlgalay degaanada Puntland iyadoo ay ardeyda Jaamacada haatan ku jiraan bartamaha xilli waxbarasheedka 2009/10. waxaana xaruntan cusub ay noqon doontaa mid lagu fuliyo adeegyo kala duwan waxayna isugu jirtaa qeybaha nasashada, cuntada, maktabada, ceel biyood, masjid, xafiisyo, fasallo waxbarasho iyo goobaha ciyaaraha, Waxaana lagu tilmaami karaa in xaruntan ay tahay midi ugu horey ee waxbarasho oo si casri ah loo dhiso.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

DSC01681.jpg

 

DSC01663.jpg

 

DSC01656.jpg

 

DSC01651.jpg

 

DSC01622.jpg

 

Jaamacada Muqdisho ee qaybteeda Bosaaso oo Xariga Ka Jartay Dhismo Cusub(Sawiro iyo Dhegaysi))

 

April 5, 2010 | FEATURED STORIES, NEWS

6 comments

 

Munaasabada Balaaran oo Xariga looga jaraayay Jaamacada Muqdisho dhismo cusub ay ka dhisatay Xarunteeda magaalada Bosaaso oo ay kasoo qaybgaleen masuuliyin kala duwan oo ka socotay Dowlada Puntland,Isimo,Culima’udin,Bulshada qaybaheeda kala duwan iyo Wakiil ka socday Dowlada Qadar ayaa ka dhacay xarunta Jaamacada ee Bosaaso.

 

Dhismahaan oo Xariga ka jaray Wasiirka Maaliyada Puntland Faarax Cali Shire ayaa waxaa dhisay muwaadinin u dhalatay Dowlada Qadar ayadoo usoo marsiiyen Hay’adda Tadaamun.

 

 

Ugaas Xassan Ugaas Yaasin oo ka hadlay Munaasabada ayaa soo dhoweeyey dhismaha cusub ee Jaamacada,wuxuuna halkaasi amaan balaaran usoo jeediyey masuuliyinta Jaamacada oo uu ku tilmaamay in ay wadaan talaabooyin horumar ah.

 

Wasiirka Maaliyada Puntland Faarax Cali Shire ayaa isaguna halkaas ka hadlay wuxuuna ugu baaqay Waalidiinta in Ardayda aysan Waxbarasho Jaamacadeed aysan u dirin dalka dibadiisa,isagoo sheegay in dalka ay ku yaalan Jaamacado isla markaana Waxbarashada xusay in Waxbarashada ay ka wanaagsantahay kan dibadda,isagoo tusaale usoo qaatay dalka Singapore ee qaarada Asia horumarka ay gaartay.

 

Dhegayso codka wasiirka Maaliyda Puntland Farax Cali Shire

 

”Singapore waxaa ay la egtahay 200-KM oo isku wareeg ah(Square),waxayna ka mid tahay wadamada ugu qanisan uguna horumar badan.Kaluun Badeeda malahaan,Xoolo iyo Beero malahaan.waxayna intaa ku gaartay aqoonta ka jirta dalkeeda”,ayuu yiri Wasiirka.

 

Gudoomiyaha Jaamacada Muqdisho Dr.Cali Sheikh Axmed oo halkaas hadalo kasoo jeediyey ayaa u mahadeceliyey Muwaadininta u dhashay Qadar iyo Dowlada Puntland,isagoo sheegay hadii uusan amni jirin aysan u saamixi lahayn Xaflada maanta in ay dhacdo ama la qabto.

 

”Amniga dad baa sameeyey,Bulsho ayaa isugu tegtay waa meel aan ku faanayno oo ruux weliba oo Soomaali ah guul bay u tahay 19-sano ruux weliba oo gurigiisa ku nool la’aan kari waayay meelaha ugu fiican ayuu gobolkaan ka mid yahay,waana Ilaahi mahadiisa”‘,ayuu yiri Gudoomiyaha Jaamacada Muqdisho.

 

Dhamaan dadki halkaas hadalo kasoo jeediyey ayaa soo dhoweeyey talaabada ay qaadayso Jaamacada Muqdisho oo iyadu faraceeda magaalada Bosaaso la furay sanadki 2008-di.

 

Yuusuf Cali Maxamed(Sonna)

Horseed Media

Bosaaso,Puntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

J. Muqdisho oo Bosaso xarun ka furtay

 

Munaasabada Balaaran oo Xariga looga jaraayay Jaamacada Muqdisho dhismo cusub ay ka dhisatay Xarunteeda magaalada Bosaaso oo ay kasoo qaybgaleen masuuliyin kala duwan oo ka socotay Dowlada Puntland,Isimo,Culima’udin,Bulshada qaybaheeda kala duwan iyo Wakiil ka socday Dowlada Qadar ayaa ka dhacay xarunta Jaamacada ee Bosaaso.

 

Dhismahaan oo Xariga ka jaray Wasiirka Maaliyada Puntland Faarax Cali Shire ayaa waxaa dhisay muwaadinin u dhalatay Dowlada Qadar ayadoo usoo marsiiyen Hay’adda Tadaamun

 

Ugaas Xassan Ugaas Yaasin oo ka hadlay Munaasabada ayaa soo dhoweeyey dhismaha cusub ee Jaamacada,wuxuuna halkaasi amaan balaaran usoo jeediyey masuuliyinta Jaamacada oo uu ku tilmaamay in ay wadaan talaabooyin horumar ah.

Wasiirka Maaliyada Puntland Faarax Cali Shire ayaa isaguna halkaas ka hadlay wuxuuna ugu baaqay Waalidiinta in Ardayda aysan Waxbarasho Jaamacadeed aysan u dirin dalka dibadiisa,isagoo sheegay in dalka ay ku yaalan Jaamacado isla markaana Waxbarashada xusay in Waxbarashada ay ka wanaagsantahay kan dibadda,isagoo tusaale usoo qaatay dalka Singapore ee qaarada Asia horumarka ay gaartay.

 

Singapore waxaa ay la egtahay 200-KM oo isku wareeg ah(Square),waxayna ka mid tahay wadamada ugu qanisan uguna horumar badan.Kaluun Badeeda malahaan,Xoolo iyo Beero malahaan.waxayna intaa ku gaartay aqoonta ka jirta dalkeeda”,ayuu yiri Wasiirka.

 

Gudoomiyaha Jaamacada Muqdisho Dr.Cali Sheikh Axmed oo halkaas hadalo kasoo jeediyey ayaa u mahadeceliyey Muwaadininta u dhashay Qadar iyo Dowlada Puntland,isagoo sheegay hadii uusan amni jirin aysan u saamixi lahayn Xaflada maanta in ay dhacdo ama la qabto.

 

”Amniga dad baa sameeyey,Bulsho ayaa isugu tegtay waa meel aan ku faanayno oo ruux weliba oo Soomaali ah guul bay u tahay 19-sano ruux weliba oo gurigiisa ku nool la’aan kari waayay meelaha ugu fiican ayuu gobolkaan ka mid yahay,waana Ilaahi mahadiisa”‘,ayuu yiri Gudoomiyaha Jaamacada Muqdisho.

 

Dhamaan dadki halkaas hadalo kasoo jeediyey ayaa soo dhoweeyey talaabada ay qaadayso Jaamacada Muqdisho oo iyadu faraceeda magaalada Bosaaso la furay sanadki 2008-di.

 

Onkod news

 

boosaaso

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

For those interested. The opening ceremony of the mogadishu university campus in bossaso can be watched on ETN-TV.

 

Here

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Yeah its good. But 2 universities in Bossaso is to much. It's better to divide it up across the states. Garowe only has 1 university. Galkayo has 1 university and another being built now.

 

2 university in galkayo and bossaso. Plus 1 in garowe. Plus there is 1 in las anod. Makhir has none. It would be alot wiser to have that mogadishu university in badhan!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

"The future belongs to the nation that best educates its citizens"President Obama.

 

Bosaso shall produce the next elites of Somalia. Thanks Cawke for sharing it with us.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

The Makhir University faculty, student and lab buildings are almost done. It will soon have its opening ceremony announced.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Makhir university is being built? I didn't even know that really!!! Is there somewhere i can read about it?

 

I know the makhiris are investing into that port at las qoray and small projects like ceel/schools/hospitals but that is about all i was aware of!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this