Sign in to follow this  
Juje

“Al-Qaacidda nama barin Diin President Sharif.

Recommended Posts

Juje   

MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA: “Al-Qaacidda nama barin Diin, Dalkanna Dowlad kama ahan ee raali ha naga ahaato”

 

shir.jpg

 

Sabti, March 28, 2009(HOL): Madaxweynaha Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa wuxuu shirkiisa jaraa’id kaga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen socdaalkii uu ku tegay dhowr dal oo Afrika ah, Hadalkii Osama Bin Laden ee ahaa in la af-gembiyo dowladda uu madaxweynaha ka yahay, Qaraxii lala beegsaday Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomalaiya iyo Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee magacyada kala duwan loogu yeero.

Shiikh Shariif Shiikh Axmed waxaa uu sheegay in socdaalkii uu ku tegay dalalka Kenya, Burundi, Uganda, Rwanda, Sudan iyo Libya uu ahaa mid guul ku soo dhamaaday, wuxuuna caddeeyay in madaxda dalalkaas ay ka wada hadleen arrimo ku saabsan hagaajinta xiriirka Soomaaliya iyo Wadamadaas iyo weliba sidii ay uga qeybqaadan lahaayeen dib u dhiska dalka Soomaaliya oo muddo 20 sano ku dhow burbursan.

 

Madaxweynaha Soomaaliya waxaa uu sheegay in Dowladaha Uganda iyo Burundi oo ka mid ah dalalka uu booqday, isla markaana ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya uu kala hadlay sidii ay u caawin lahaayeen Dowladda Soomaaliyeed tan iyo inta ay Dowladda Soomaaliyeed isaga filnaaneyso, ciidamadeedana ay ka tababareyso.

 

Dowladaha Sudan iyo Libya ayuu sheegay in ay diyaar u yihiin in ay gacan ka geystaan sidii xal loogu heli lahaa mushkiladda Soomaaliya, isla markaana dhinacyada ka soo horjeeda Dowladda ay uga dhaadhicin lahaayeen in ay nabad iyo heshiis qaataan.

Waxaa uu ka hadlay intaas kadib magacyo loogu yeero Ciidamada Dowladda, kuwaasi oo ah Maxkamadaha iyo Ciidamada Dowladda, wuxuuna sheegay in ay jiraan Ciidamo mid ah oo leh Ciidamada Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay in Ciidamadaas dhawaan la siin doono labis isku mid ah.

Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed waxaa uu ka hadlay hadalkii uu dhawaan sii daayay Hoggaamiyaha Al-Qaacidda Osama Bin Laden, kaasi oo ahaa in lala dagaallamo oo xukunka laga tuuro Madaxweynaha Soomaaliya, “Waxaan aad uga xumahay in Al-Qaacidda intey weysay wax ay ka hadasho in ay tiraahdo Shacabka Soomaaliyeed oo Muslim ah, isla markaana heshiiyay, dowladna dhistay ha is-dilaano”ayuu yiri madaxweyne Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo sheegay in aaney Al-Qaacidda wax shaqo ah ku lahayn Soomaaliya.

 

“Al-Qaaciida nama barin Diin, Dalkanna Dowlad kama ahan ee raali ha naga ahaato” ayuuna hadalkiisa ku sii daray Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo shalay dib ugu soo noqday dalka Soomaaliya, kadib socdaal uu ku soo kala bixiyay dalal dhowr ah oo Qaaradda Afrika ku yaalla.

 

Madaxweynaha Soomaaliya waxaa uu shirkiisa jaraa’id ku soo hadal qaaday qarax maalmo ka hor lala beegsaday Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Shiikh C/qaadir Cali Cumar, “Qofkii dhahaya Shiikh C/qaadir Cali Cumar ayaa gaal ah, dilkiisana janno ayaan ku tegayaa, waxaan wada aaminsannahay in qofkaas uu yahay mid mid qaldan”ayuu yiri Madaxweyne Shariif Shiikh Axmed oo intaas ku sii daray Dowladda Soomaaliyeed ay wax weyn ka qaban doonto amni darrada ka jirta Soomaaliya.

Dhanka kalena, Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed waxaa uu maanta Xarunta Villa Somalia kula shiray Golaha Wasiirrada oo uu horkacayay Wasiirka koowaad, wuxuuna shirkaas ku saabsanaa warbixin uu madaxweynaha siinayay Golaha Wasiirrada iyo Golaha Wasiirrada oo isna warbixin siinayay Madaxweynaha.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this