Sign in to follow this  
Dhubad.

Morgan oo Abaabul Dagaal Kuwada Kismyo

Recommended Posts

Dhubad.   

Warar lagu kalsoon yahay oo aanu ka helnay xubno muhiim ah oo ku sugan magaalada Muqdisho iyo Kismaayo ayaa sheegaya in Gen.Maxamed Saciid Morgan oo in muddo ah ku sugnaa magaalada Muqdisho uu ku guda jiro shirar gooni gooni ah iyo abaabul ka dhan ah ka wada isbaheysiga Dooxada Jubba.

 

Wararku waxay intaas ku darayaan in abaabulkan uu wado Gen.Morgan uu la leeyahay xubno aan la magacaabin oo ku sugan magaalada Muqdisho balse wararkaas lagu kalsoon yahay ay sheegaya in ka mid yihiin niman ganacsato uu ka rabay amaah asaga oo rahmad u dhigaya guryo iyo hanti kale oo ma guurto uu leeyahay iyo hanti kale oo leeyihiin dad siyaabo kale duwan qaraabo ula ah. Afahayeen u hadlayna Gen. Morgan oo dhowaan qoraal ku shaaciyey magaalada Muqdisho ayaa ku sheegay "inaysan weli ka quusan magaalada Kismaayo ay markastaba u tahay bar tilmaameed si Gen.Morgan miisaankiisii siyaasasadeed kor loogu soo qaado".

 

Wararku waxay intaas ku darayaan in xubnahii hore ee ku martigeliyey magaalada Muqdisho Gen.Morgan aysan ku raacsanayeyn abaabulkiisa ayna ka digeen qatarta ka imaan karta dagaal dib ugu soo cusboonaada goballada jubbooyinka. Isbaheysiga dooxada jubba ayaa weli wax war ah ka soo saarin abaabulka laga soo sheegay Gen.Morgan.

 

Xildhibaan Barre Aadan Shire, wasiirka dib u dhiska iyo dib u dejinta ayaa horay ugu gacan seyray inuu si ka fool fool uu ula kulmo Gen.Morgan oo uu hadda ka hor ka saaray magaalada Kismaayo.

 

X M S

Gedonet

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this