Sign in to follow this  
Gabbal

B/Xawo, Luuq, G/Haarey Iyo Doolow Oo Soo Dhaweeyeen Doorshada Madaxweynaha

Recommended Posts

Gabbal   

Somali are celebrating everywhere, even some of Abdulahi Yusuf's traditional foes ;):D

 

 

Magaalooyinka Luuq, G/Haarey Iyo Doolow Oo Looga Dabaal Dagay Doorshada Madaxweynaha

 

Siyaabaha ayaa looga arkay dalka Soomaaliya natiijadii doorashadii Kasaraani ee shalay Iyadoo shalay ay ahayd maalintii doorashada isla markaasna ay Soomaaliya dooratay madaxweyne ayaa waxaa dalka Soomaaliya guud ahaan looga soo dhoweeyay natiijadii doorashadaas si weyn, waxaana magaalooyin badan oo dalka ah oo aan la xiriirnay nalooga soo sheegay in maanta oo dhan ay damaashaad iyo fantasyo ku jireen, in kasta oo magaalada Muqdisho tarbuunka lagu hor istaagay dad damaashaad dhigan rabay. Waxaa magaalooyinka aannu la xiriirnay ka mid ah kuwa gobolka Gedo, waxaana laga damaashaadayay magaalooyinka Ceelwaaq, Garbahaarrey, Doolow iyo Luuq inta aan ka war hayno.

Si kastabase ha ahaatee, waxaan la xiriirnay taliyaha ciidammada SRRC oo ka mid ah goggaamiyeyaasha ku sugan degmada Luuq ee gobolka Gedo, Col. Faarax Cabdi Cashara (Makaroofi) waxana uu noo sheegay in ay si weyn ugu damaashaadayaan natiijada doorashada iyo xal u helidda dhibaatada Soomaaliyeed ee 14 jirsatay.

 

Waxa uu Col. Cashara noo sheegay in damaashaadkaas ay laba qof kaga dhaawacmeen degmada Luuq halka qof kalena uu ku dhintay, Dadka dhaawacmay ayaa waxaa ka mid ahaa xubin ka mid ah maamulka degmada Luuq Xuseen Cilmi Nuur (Xuseen Cawil). dadkaasina waxaa haleeshay xabbado lagu damaashaadayay iyagoo farxad muujinayay, isla markaasna la ridayay hubka noocyadiisa kala duwan oo dhan.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee waxaa magaalooyin badani ay weli ku mashquulsan yihiin dabbaaldegga ay u dabbaaldegayaan dowladda cusub iyo baahida ay u qabeen nabad iyo nidaam dowladeed.

 

Ahmed Mohamed Aadan (Timajilic)

Gedonet

code:

  

Magaalada B/Xaawo Oo Laga Soo Dhaweeyey Doorashada Madaxweynaha

 

Waxaa maanta magaalada B/Xaawo loogu soo dhaweeyay si wayn doorashada madax wayna cusub ee soo maaliya ee loo doortay mudane Cabdullaahi Yuusuf Axmed waxaana saaka loo riday laba mad fac iyadoo banaa bax wayna laga sameeyay magaaladaan B/Xaawo waxaa kaloo la suray meelaha ganacsiga iyo dukaamada calanka Jamhuuriyadda soomaaliya.

 

Mar aan dhax maray dad waynaha reer B/Xaawo ayaa waxay ii sheegeen in ku farxeen sida dimoqaraadiyada ah ee loo doortay madaxwayne soomaaliyeed oo aan xoog ku imaan waxay kaloo ii sheegeen inay taageeri lahaayeen qofkii la soo doorto rag iyo dumarba oo ay mudnaanta siiyeen siday soomaali ugu baahan tahay madax wayne la soodoorto.

 

Waxaa kaloo meelaha fadhi ku dirirada aad ku arkeeysaa iyadoo la is way diinayo hoowsha adag ee utaal cabdulaahi yuusuf axmed waxayna isku raaceen inuu yahay nin adag oo wax ka badali kara sida maanta ay tahay xaaladu waxayna taageereen in lakeeno ciidamo shisheeya ah soomaaliya si hubka looga guro dadka bahaloobay waxaa kaloo oo ay umah celiyeen dhamaan musharaxiintii ka tanaa sushay iyo cabdulaahi cadoow oo ahaa mudane laga adkeeday oo muujiyay sida uu ugu farax san yahay siday wax udhaceen madax waynahana uu taageeray.

 

Cabdirizaq Nuur

Gedonet, B/Xaawo

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

waaaw, waaban la yaabanahay sida weyn ee loo taageeray dowlada noo dhalatay, soomaliyoo dhanba ayaaba looga dabaldagay, talaw inta hartayna mey dabaal dagaan

Share this post


Link to post
Share on other sites
BN   

Somalis realize this is the best chance for peace and government since 1991. Good to see there is support from all corners.

 

Somaaliya ha noolaato.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this