Sign in to follow this  
Garyaqaan2

Subxaana laah Saan Maa u danbeeysay Gabdhaheenii!!(OO micna daro loo Toogtaa)

Recommended Posts

Haweeney uu dilay walaalkeed, kadib markii

Muqdisho

 

 

Soomaaliya oo ah dal in ka badan 14 sano aysan ka jirin dowlad dhexe, nidaam & sharci dad ka kala haga, waxaana ka dhacay muddadaasi tacadiyo & xadgudubyo aanan caqli gal aheyn oo loo geysanayo dad biri-mageydo ah, iyadoo ay geysanayeen tacadiyadaas kuwa waxmagarato ah oo uu hubkii gacantoodii galay, waxeyna tacadiyadii ugu ba’naa ka dhaceen Gobolada K/Soomaaliya, Gobolada Waqooyi & Gobolada dhexe, haddaba dhacdooyinka ka mid noqday waxyaabaha mar walba soo noq-noqda ee ka dhex-dhaca bulshada dhexdeeda waxaa ka mid ah, dhacdo naxdin leh oo ay saaka wax si weyn wax uga qoreen qaar ka mid ah waregsyada Muqdisho, waxaana wargeys-yadii saaka dhacdadaasi wax ka qoray ka mid ahaa wargeyska DANJIR ee Muqdisho ka soo baxa cadadkiisa 872-aad, wuxuuna wargeysku ka sheekeynayaa qiso dil ah oo shalay ka dhacday xaafadda Madiina, kadib markii haweeney lagu magacaabo Raxmo Sheekh Max’ed uu dilay walaalkeed, kadib markii 18-ilaa 19 ka hor ay qaaday Uur aanan nikaaxa diinta Islaamka ku dhalan (***** ), waana kan wargeyskii oo ka qisoonaya qaabka uu dilku u dhacay

 

“ Waxa lagu dilay xaafadda Madiina maalinimadii shalay haweeney la yiraahdo Ramxo Sheekh Max'ed, sababta loo dilayna waxey aheyd in ay dhashay gabar aan aabo lahayn xilli ku beegneyd 18-sano ilaa & 19-sano ka hor, waxaana xilligaasi haweeneydaasi ay gabadha aan Nikaaxa ku dhalan ay dhaleysay dalka ka jirtay dowladdii Kacaanka, iyadoo ay jirtay xorriyad uu qofku ku sameyn karo wixii uu doono oo aanan laga horjoogsan karin, markii ay soo shaac-baxday Uurka ay qaaday R Ramxo Sheekh Max'ed waxey qoyskoodu go’aamiyeen in la fongoro ayna iska eryaan oo waxay ku yiraahdeen waad naceebaysa ee naga tag, waxeyna ku aheyd qoyska gabadha ay ka dhalatay arrin ihaano & sharaf dhac ku ah haddii qof qoyskooda ka mid ah ay qabsato dhacdo ceynkaas ah, sidii ayeyna qoyskeedii uga soo haajirtay iyada oo uurkii leh waxeyna soo degtay xaafadda Madiina halkaasoo ay ku umushay gabar waxaana gabadhaasi loo bixiyey SAHRO, muddo kadib waxaa dalka ka dhacay dagaalkii u dhexeeyey dowladdii Max’ed Siyaad Barre & Jabhadihii dalka soo weeraray, waxeyna Raxmo markaa kadib guursatay mid ka mid ah ragga ay beelahoodu Xamar ku hubeysan yihiin oo lagu magaaabo Xasan Xaaji , waxeyna ka baqaneysay dhibaato & weerar kaga yimaada reerkeeda oo ay ka dhaxeysay il & aragti, waxaana hanjabaadyo dil ah ay ka soo gaartay walaalkeed, waxeysa kaga cabsanayeen ninka guursaday oo beel ahaan lagaga baqayey, balse nasiib darro waxa dhintay ninkii qabay ee gabaadka u ahaa ama difaacayey waxaana meel cidlo ah ku soo dhacday Raxmo, waxaana Raxmo shalay si bareer ah toogasho ugu dilay walalkeed la dhashay, oo u arkayey isaga & qoyskoodaba in Raxmo ay ku xadgudubtay sharaftooda, dhaqankooda suuban & Diinta Islaam-ka mar haddii ay ilmo aanan xalaal ku dhalan dhashay 18-ilaa 19 sano ka hor, waxeyna qoyska Raxmo ku hanjabeen in weli aysan ceebtii ka dhammaan inta ay nooshahay gabadhii ay dhashay oo ay sheegeen in ay ku raad-joogaan, meel kasta oo ay kala dhacdana ay soo qaban doonaan gabadhaasi si iyana ay ifka uga qariyaan, waxeyna qoysku ay diirada saareen sidii ay u baadi-goobi lahaayeen gabadha.

Tifaftiraha Wargeyska Danjir oo qisadan goob joog u ahaa ayaa la kulmay gabadha la dilay hooyadeed waxeyna u sheegtay in ay horay ugu dhimatay gabadhooda oo ay xag ALLE un ay intaan ka nooleyd, waxeyna hooyadaasi xustay in aysan dhamaanin wax ay ku sheegtay ceebtii ay geysatay gabadheeda dhimatay maadaama ay weli nooshahay gabadhii ay ka tagtay, wuxuuna sidoo kale tifaftiraha wargeyska Danjir uu la kulmay haweeney guddoomiye ka aheyd Ururka ka hortaga Gudniinka oo la yiraa Faadumo Xuseen taasoo u xaqiiisay in ay heyn jirtay ama ay la nooleyd Sahro muddo 5 sano ah, waxeyna Faadumo ku gaabisay hadalkeeda “Sahro ha dilaan haddii ay arkaan†balse waxey sheegtay in mar walbo la arko cunug hadda dhashay oo jidka lagu soo tuuray sababaha ku kalifa haweenka in ay cunugooda jidka dhigaan waa sidan waana ka xumahay, Qalad waa uu dhici karaa ee naagta keliya wax iskama dhali karto oo sida aan ognahay ma jiro qof aysan iska dhalin Aabe & Hooyo ee waxaan warkayga ku soo gaabinayaa in uu ILLAAH dowlad caadil ah na siiyo.

 

Xigasho. Wargeyska Dan-jir

 

Waxaa isku duway Nasrudiin Ceydiid Salaad (Diini)

 

 

Walaa xawla walaa quwata ilaaa bilaahi Cadiim.

 

What do you guys think having No govenment will take us.?

 

Look at these some one who is 18 years old her mom was killed couse she was not bron xalaal marrige!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this