Sign in to follow this  
Rokko

Finally some rain for Puntland

Recommended Posts

Rokko   

Allah finally answered people's prayers and rain comes to Puntland ....

 

Radio Lascaanood

05.12.2003.

 

Magaalooyin doora oo u badan gobolada Sool iyo Sanaag ayaa xoolo badani ku dhinteen kadib markii roob mudo dheer hayey.

 

Roob mudo dheer hayay ayaa ka da`ay degaano door ah kaasi oo waxyeelo xoogle gaadhsiiyey xoolo tiro badan kuwaasi oo awal ba ahaa kuwo aanay tamar toodu wanaagsanayn kadib markii ay waayeen waxay ku noolaan lahaayeen.

 

Magaalada Awrboogays ayaa waxa laga soo sheegayaa inay saaka dad badani gurmad u soo doonteen magaalada iyadoo uu roob aad u wanaagsani helay kuwaasi oo sheegay in xoolihii ay kici waayeen qaarbadanina ay dhinteen kadib markii ay dardhadeen.

 

Magaalooyinka kale ee iyagana laga soo sheegayo waxyeelada ayaa waxa ka mid ah Fiqi fuliye, Kulaal, Dararweyne, Hadaaftimo, Domco, Xamar lagu xidh, Taleex,iyo Bali Cad oo dhamaantood raab wanaagsani helay.

 

Baraagihii way buuxsameen, dadka badankiisuna way ku badhaadheen in kasta oo loo baahnaa laguna farxay hadan dhibaatooyin badan ayay dadku ilaa xalay la kulmeen.

 

Magaalooyinka Xudun, Buuhoodle iyo Widhwidh ayaa iyagu sheegay ina magaalooyinka ay heleen raabab qabowsin ah halka ay sheegeen inay dhulka ku xeerani si fiican u doogsadeen.

 

Magaalada Laascaanood ayaa roobku hayey in ka badan 10 saacadood in kasta oo uu u badnaa gabaxle hase yeeshee saaka baraaguhu way buuxeen badankoodu dhulka dhiiqo ayaa lala mari la` yahay.

 

Degaano dhawra ayaa weli roob helin sida Sarmaanyo iyo ceel bu Xidhxidh, Qoriley Karin gorfood iyo Karin dabayl weyn oo la sheegay inay dadkii saakaba ay ka hayaameen una keceen dhulka u dhow dhow si ay u badbaadiyaan xaymaha u hadhay.

 

Waxaan noo suura gelin inaan la xidhiidhno degmooyin dhawr ah kuwaasi oo ilaa iyo haatan aan la ogayn waxay qayb u heleen raxmaadkii Illaahay u shubay umadiisa.

 

Dadka iyo duunyada degaanadaasiba waxay ahaayeen kuwo jilcay taasi oo keeni karta inay waxyeelo xooglihi soo gaadho inta dhulku noolaanayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Rahima   

Allahu Akbar.

 

Walaahi so many people have suffered, inshallah they shall regain their strength.

 

Just today a friend of mine and I were discussing the drought problem in Somalia and the number of people that have died so far :( and then I read this good news. Alxamdullilah. smile.gif

 

Mahadsanid walaal.

smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this