Sign in to follow this  
MoonLight1

CONSERVATIVES: Will a tory government recognise Somaliland?

Recommended Posts

Waxaanu eegaynaa sidey udhacdo dorashada soo socota.

 

Hogaamiyaha Xisbiga Conservative oo ah Xisbiga hada guusha weyn kaso hooyay doorashadii degaanka ee waddanka Britain isla markaana hada lafilaayo inuu ku guulaysto doorashada soo socota ayaa sheegay in Somaliland tahay meel tusaale unqon karta Somaliya oo Colaado hadheyeen iyo Africaba.

 

 

Mr Cameron Waxaa latiigsadey Su’aal Muniir Axmed Cigaal oo ah wariye madax-banaan oo kusugan waddanka ingiriiska, Cameron wuxuu maanta Khudbad kajeediyay jamacad kutala magaalada Milton Keynes:Jamacadaas oo ah mid dadku si online ah udhigtaan lana yirahdo Open University.

 

 

 

Waxaan kawar helay in uu maanta imanaayo magalada Milton Keyned David Cameron oo ah hogaamiye sameyn weyn kuleh wadankan Britain isla markaana lagayaabo in Xisbigiisu doorashada ku guleysto ayaan ubajiyay socdaalkaygii shaqo ee aan magaalada kujoogay annigoo isku dayay in aan qadiyada Somaliland bal in uun xasuusiyo, Waxaan ugu horeyn Salaan kadib Su’aalay Mr Cameron waxaan udhashay Somaliland waxaan si xushmada kaga codsanayaa ma iisheegi kartaa waxaad ilaa hada aad uqiri ladahiin Wadankayaga oo 18 sanno nabad aha qabsadeyna doorashooyin kaladan beeyay oo dimuquraadi ah,

 

Wuxuu igu jawaabay Mr Cameron Somaliland waxay qabsatey waxbadan waxay kunoosha-hay nabad waxayna dadkooda kala xishoodeen xabad waxaanan rajaynaya in ay tusaale unoqon doonto Somaliya oo colaado aan dhamaad lahayn hadheyeen iyo Africaba sidey isugu dhaqaan Dumuquradiyada.

 

Waxaan kaloon weydiiyay suurta gal matahay inaad aqoonsataan hadaad talada waddanka qabataan, Wuxuuna igu jawaabay waxaanu egaynaa sidey udhacaan dorashooyinka lafilaayo iyo sidey kudhamaato aqoonsigu maha jawaab hada aan kusiinayo lakiin waxaan sheegi karaa’uun iney waxbadan oo amaana mudan tahiin.

 

Wakhtigoo cidhiidhi ku ahaa awgeed socodna aan kula kulmay way isurobi weydey inan waxbadan sii-weydiiyo, lakiin wuxuu umuuqdey inuu kufarax sanyahay waxay Somaliland qabsatey hadana ay eegayaan, waa markii uhoreysay ee mas'uul kamida kuwa hogaamiya wadanka ingiriiska loo bandhigo qadiyada Somaliland tan iyo xiligii Yuusuf Cabdi Gaboobe oo ahaa Suxufi caana uu Su'aal latiigsadey Tony Blair oo markaa ahaa Raysal wasaaraha ingiriiska.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this