Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: Support for TFG grows

Recommended Posts

Bananaanbaxyo lagu taageerayo dowladda oo ka dhacay Muqdisho

 

 

Banaanbax_301206.jpg

 

Bannaanbaxyo lagu taageerayo oo ay kasoo qeybgaleen boqolaal dadweyne ayaa maanta ka kala dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, iyadoo dadweynaha ay ku dhawaaqayeen erayo ay kusoo dhoweynayaan xukuumadda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya.

 

Deegaanada Waqooyiga magaalada Muqdisho ayaa si weyn looga soo dhoweeyay ciidamada dowladda Federaalka KMG ah ee soo galay gudaha magaalada Muqdisho, waxaana maanta dadweynaha ay kor u sideen sawirada Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra'iisul Wasaare Cali Maxamed Geeddi, iyadoo erayo ay ka mid ahaayeen soo dhowaaw Mudane Yuusuf iyo soo dhowoow Mudane Geeddi, waxayna sidoo kale ay ku shirbayeen QABIIL QABIILKA WAA QUBMEE, QARANKA MA ISLA QAADANAA iyo erayo kale.

 

Banaanbaxyadan oo ka kala dhacay wadooyinka Fiat ilaa Sanca iyo mid kale oo isagana ka dhacay Hotelka Ramadaan ilaa Towfiiq, waxaana dadku ay maanta hilmaameen munaasabada Ciidul Adxaa oo aan si weyn looga xusin Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ Roughly Same time, that was organised by the supporters of the courts..

 

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo maanta markii sedexaad soo gaaray magaalada Muqdisho booqashona ku tagay Garoonka Diyaaradaha iyo Dekeda Muqdisho

 

 

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka kmg ee Jamhuuriyada Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho isagoo socod dhulka ah kusoo galay mudo 24saacadoodna ku sugnaa gobolka Sh/hoose gaar ahaan magaalada Afgooye halkaasi oo uu kulamo kula qaatay Culuma'udiinka ahlu suna' wal jamaaca, Siyaasiin, Dhalinyaro, Suldaano, haweenka iyo qeybaha kala gadisan ee bulshada Rayidka.

 

Ra'iisul wasaare Geedi ayaa safarkiisa dhulka waxa ku wehliyey Ra'iisul wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha Eng. Xuseen Maxamed Ceydiid, wasiirka Isboortiga Md. Mowliid Macaani Maxamuud iyo qaar kale oo ka tirsan labada gole.

 

Ra'iisul Wasaaraha ayaa u kuur galay xaalada garoonka diyaaradaha iyo Dekada weyn ee Magaalada Muqdisho waxaana halkaasi ka socotay howlihii caadiga ahaa iyadoo markab weyn laga dajinayey cunooyin kala gadisay halka laba doonyood lagu rarayey Geel tiro badan oo halkaasi diyaar ku ahaa.

 

Maxamed Jaamac Furux oo badbaadiyey waqtiyadii dagaalada sokeeye isla markaana ka tirsan xildhibaanada dowlada Federaalka kmg ah ayaa ra'iisul Wasaaraha ugu warbixiyey xaalada dekada waxayna socod ku mareen qeybo ka mid ah dekada Muqdisho.

 

Ra'iisul Wasaaraha waxaa caleemo qoyan kusoo dhaweeyey dadweyne aad utiro badan oo safnaa hareeraha wadooyinka iyadoo ku dhawaaqeyey soo dhowoow mudane Cali Maxamed Geedi, ilaa iyo inta uu kasoo gaaray guri loogu talo galay inuu deganaado.

 

Markaasi ka dib ayuu ra'iisul wasaaruhu shir jaraa'id ku qabtay hoyga la dajiyey wuxuuna sheegay inuu Muqdisho u yimid sidii maamul loogu dhisi lahaa isla markaana amaanka loo sugi lahaa iyadoo uu la socdo Taliyaha Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed Jeneral Cali Madoobe iyadoo la rajaynayo in kulamo gooni gooni ah uula qaato bulshada Rayidka iyo Culumada ahlusuna Waljamaaca.

 

Shacabka reer Muqdisho ayaa filanaya ama ka dhowraya sidii ay u heli lahaayeen kala danbayn iyo dowlada Federaalka oo hanata dhamaan qeybaha kala gadisay ee magaalada Muqdisho iyadoo lixdii bilood ee ugu danbeysay caasimada Soomaaliya ay heleen nabad iyo kala danbayn haatana uu shacabka dhowrayo sida ay haysteen si ka wanaagsan.

 

Wafdiga Ra'iisul wasaaraha intii ay wadooyinka kusoo jireen ayaanan usuuragalin inay dhinacooda kulka dhigaan taasoo ay ugu wacan tahay qaabilaadyo bulshada iyo waliba kutalagal in la shaqeeyo iyadoo ilaa haatan ra'iisul wasaaruhu uu qaabilaadiisu uu wato iyadoo aad ka dheehan karto in daal uu jiro balse waxa uu ku adkaysanayaa inuu sii shaqeyn karo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shame that doesnt say anything about consiliation plans.

 

Have they any plans other than men with with guns in dealing with the situation? --- i.e. what is their intention of 'maamuul'?

 

and xalane, what looks good?

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^The elders, leaders, and activits from every clan have met with the TFG leadership both in Afgoyee and Mogadishu to iron out the differences and chart a course for the capital.

 

One of the main arguments of the opposition was that the TFG did not operate in Mogadishu, they claimed that the government did not want to relocate to Mogadishu. That argument is now over.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Peacenow   

General Duke, you know fully well, for every news you report, there will be another, not in your favour. Facts will emerge. We have been invaded, people are confused already.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Who is we? No one has invaded anyone, the TFG has reclaimed the country after two years of waiting and after coming under attack.

 

You know who started this war, who brought and invited foreigners to Mogadishu?

 

No more weak government, and no more invincible clan groups any where.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this