Sign in to follow this  
Abdiyare

WARCAD

Recommended Posts

Abdiyare   

WARCAD

 

 

Aniga oo ah Cabdi Warsame **** ahna Guddoomiyaha SSNM horena u ahaan jiray Golahii Sare ee Kacaanka ee Somaliyeed ee dhashay 21Kii Oktobar 1969.

 

 

 

Waxan go’aan ku gaadhay inaan ummaadda Somaliyeed aan soo hordhigo fikrad aan muddo aad u dheer ka fakrayey anigoo si wanaag uga baaraan deggay.

 

 

 

Waxaanse marka hore llaahay ugu mahadinayaa inuu igu soo simay wakhtigan maanta aan helay fursad aan ku caddeeyo fikraqddas caafimaadka qabta.

 

 

 

Waxaanse haddaba maanta oy taariikhdu tahay 31/07/03 aan halkan uga soo gudbinayaa tacsiyad ummadda Reer Somaliland taas oo aan uga tacsiyadaynayo dhibaatadii xoogga lahayd ee ay dawlladdii aan ka midka ahaa ay soo gaadhsiisyay amma u geysatay shacbigaas sannadihii 1982 ilaa 1990. llaa haddana aan cidi uga tacsidayn Aafooyinkii loo geystay. Kuwaasoo ay kamidka ahaayeen in loo soo kiraysto calooshooda u shaqaystayaal shisheeye ah loona qorsheeyey in la tirtiro.

 

 

 

Shacbiga Somaliland waxaan u sheegaya in aniga iyo inta ila fikrada ah annu ka xunnayahay arrinkaas horena aannaan waxba uga qaban karaynin.

 

 

 

Waxaan shacbigaa Reer Somaliland iyo dhammaan shacbiga Somaliya iyo shucuubta kale ee Somaliyeedba u rajaynayaa hore umar iyo nabad gelyo degdega oo waarta.

 

 

 

Ugu dambayn waxaa rajaynayaa in ninkasta oo soo maray xil sare una usoo qabtay ummadda somaliyeed uu garto inuu saran yahay waajib iyo mas’uuliyad ku saabsan inay ilaaliyaan xuquuda ummadadda ay xilka u hayaan.

 

 

 

 

 

Guul iyo Nabad

 

 

 

 

 

Cabdi Warsame *****

 

Guddoomiye SSNM

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this