Sign in to follow this  
Major-General Cawad

Kismaayo Liberation!!

Recommended Posts

It's long due and we hope that inshallah the people will be rewarded for their patience and suffering. Long live Kismaayo and inshallah it will be soon restored to its law abiding citizens and rightful owners sooner or later. The criminals should watch their back because their dooms day is coming nearer and nearer.

 

Read this article below:

 

Dadka danyarta ah ee magaalada Kismayo ayaa ka cabanaya canshuro ay ku soo rogeen ishabaysiga Doxada Jubba ee ka arimiya magalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.(April.01)

 

Dadka danyarta ah ayaa sheegay in ay ciidamada Isbahaysigu bilabeen canshuur xoog ah oo ay dadka danyarta ah ka Hawenay ka mid ah dadka ka ganacasada suuqyada magalada Kismayo ayaa shegtay in malintii ugu yaraan 10 goor canshuur laga qaado xoog ah ayadoo ku macnaysay in nin kasta oo ka tirsan ciidamada Doxada Jubba uu jeebka iskaga sito bonoyinka canshurta lagu qaado mesha uu soo gaarana canshuur ka qaadanayo dadka jooga isaga oo aan u aabe yeleyn in laga qaaday iyo in kale.

Haweenaydan ayaa intaas raacisay in loo qaatay burcadii hore oo ayagu xilliyada habenkii ah oo kale dadka dhici jiray . Dadka deegaanka ayaa walaac aad u weyn ka muujiyay canshuurtan xad dhaafka ah aan nidaamsanayn oo laga qaadayo.

 

Canshurahan ayaa ku so beegmay xilli ay ku dhawaaqeen mas'uuliyiinta sar sare ee Doxada Jubba in ay bilabayaan dhisme maamul loo dhanyahay oo loo sameeyo gobolka iyadoo ay ka wada qayb qaataan dadka deegaanka u dhashay oo dhan waa sida ay hadalka u dhigeen.

 

Waxayna arintan canshurta xooga looga qaadayo dadka danyarta ahi u muuqaataa in ay dhaawac weyn ku noqonayso sidii logu kalsonaan lahaa in maamulka la qorshaynayo in dhowaan lagu dhawaaqo.

morgan22.jpg&rank=11&source=googleImage&

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Sheikh Sxb, is there anything serious going on is just jokes we hear day in day out.

 

The criminals should watch their back because their dooms day is coming nearer and nearer.

Warcusub baad haysaabee nagu taabo hee, Nafaqada nasii hee :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

I can't say no more because the documents I received aren't unclassified yet but I will led you know in due course.

 

Warm youself up with this report.

 

Jaamaca Aadan Dheere oo ku Mashquulsan Maamul Goboleed Ka madax banaan Barre Hiiraale iyo(Dooxada Juba),Iyo Kismaanyo oo Baqdin badan laga soo sheegay.

 

{kismaayo} Ganacsade Jaamac Aadan Dheere iyo maleeshiyadiisa ayaa lagu soo waramayaa in ay tageen degaano ka tirsan degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, isagoo doonaya in uu dhiso maamul goboleedka loo samaynayo Jubbooyinka iyo Gobolka Gedo taas oo aan ku lug laheyn midka uu doonayo in uu dhiso Barre Hiiraale.

 

Jaamaca Aadan Dheere oo haysta Dhamaan taageerada shacabka uu ka dhashay oo ku dhaqan Gobolka Gedo iyo Gobolada dariska la ahba ayaa in muda ah waxa uu ku mashqulsanaa sidii nabad loogu wada noolaan lahaa.

 

Jaamaca Aadan Dheere oo haatan ku sugan tuulada Dhamse ayaa sheegay in ujeedada socdaalkiisu la xiriiro sidii shacabka ku dhaqan gobolka Gedo uu uga dhaadhicin lahaa dhismaha maamul goboleed ay ku mideysan yihiin gobolada J/hoose, J/dhexe iyo Gedo oo ah mid ka madax banaan midka isbaheysiga D/jubba oo haatan lagu tala jiro sameyntiisa.

 

Jaamac waxa uu intaasi ku daray in durbadiiba uu bilaabay kulamo uu la qaadanayo odayaasha tuulada Dhamas, isagoo sheegay in maalmaha soo socda uu tagi doono dhamaan degmooyinka kale uu ka kooban yahay gobolka Gedo.

 

Jaamac Aadan Dheere mar uu ka hadlayay waan waantii laga dhex waday isaga iyo Barre Hiiraale ayaa ku eedeeyay mas uuliyiinta isbaheysiga D/jubba in ay fulin waayeen qodobadii ay ku heshiiyeen, taasi uu sheegay in sina dhankiisa uu ka baxay balamadii lala galay, haatana uu dadaal ugu jiro sidii uu u nabadeyn lahaa beelaha wada dega gobolka Gedo oo xiisado colaadeed u dhaxeeyay maalmahan Maamul Goboleedna loogu samayn lahaa.

 

Jaamaca Aadan Dheere ayaa ka soo kictamay magaalada Kismayo oo bilihii ugu dambeeyay dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac uu ku dhexmaray gudoomiyaha isbaheysiga D/jubba.

 

Ka bixitaankiisa magaalada Kismaayo ayaa waxa ay ku soo beegantay xilli maamulka isbaheysiga D/jubba oo ay ku midaysanyihiin Beelo aan u dhalan Dagaanka, xoogna ku haysta shicbkaas u dhashay degaanka ay ku tala jireen in ay ku dhawaaqaan dowlad goboleed la baxay Jubba Land.

 

Warar kale oo aanu ka helnay magaalada Kismayo ayaa waxay sheegayaan in ay Shacabka iyo Maamulka Dooxada Juba ay soo wajahday Baqdin aad u tira badan,Taasoo ay ugu wacan tahay, DFKG oo la filayo in ay Saldhig ku meel gaar ah ka dhigato Magaalada Baydhabo iyo Magaalada Jowhar, iyada oo qorshuhuna yahay, sida aanu ka helayno ilo ku dhow dhow Madaxda Sare ee Dowlada, in Hub ka dhigis la gu sameeyo dhamaan Maleeshiyooyinka Hubaysan ee ka howl gala Koonfurta Soomaaliya.

 

News Desk WidhWidh Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ lol, I await your report soon..

 

Garab ka mid ah garabyada Is bahysiga Jubba oo ku hanjabay inuu ciidankiisii kala baxayo Kismaayo

 

 

Ksimaayo. 2 April 2005. Mid ka mid ah garabyada Dooxada Jubba ee gacanta ku haya magaalada Kismaayo Jaamac Aadan Dheere ayaa malayshiyadii taabacsanayd ugu baaqay inay iskaga baxaan magaalo madaxda Jubbada Hoose ee Kismaayo.

 

Arinkani wuxuu ka danbeeyay khilaafaad ka dhashay sida loo maamulo dhaqaalaha laga helo dekada magaalada Kismaayo oo ah laf dhabarta miisaaniyada soo gasha Malayshiyooyinka magaalada gacanta ku haya. Wararku waxay intaasi ku darayaan in khilaaf kalana uu ka jiro taageerada dawlada C/Laahi Yuusuf oo ay ku kala qaybsan yihiin malayshiyadu.

 

Arinkan oo dhabarjab ku ah malayshiyada Dooxada Jubba wuxuu ku soo hagaagay xilli dagaalo cusubi ay kasoo cusboonaadeen gobolada Baay iyo Bakool, iyo shir balaadhan oo ka socda magaalada Afmadow oo ay leeyihiin dadka dega deegaanka Waamo oo wixii ka danbeeyay 1993 lagaga gacan sareeyay siyaada gobolada Jubbooyinka.

 

SomaliTribune

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qaar ka mid ah ciidamada Isbahaysiga Dooxada Jubba oo gadoodey

 

Kismaayo-02.April.2005 Tan iyo toddobaadkii aynu ka soo gudubney ayaa waxaa gadoodsanaa ciidanka amaanka ee magaalada Kismaayo gadoodka ciidanka ayaa salka ku haya musharooyin ka maqan, waxana ciidankaasi maanta loo qabtay kulan ay ku muujinayaan cabashadooda, waxana ka soo galay taliyaha ciidanka C/raxmaan Goobaale iyo abaanduule Cabdullaahi Fartaag.

 

Kulankan oo ahaa mid saxaafadda laga fogeeyey ayaan ilaa iyo haatan la garaneyn waxa lagu go’aamiyey.

 

Dhinaca kale, saraakiisha sarsare ee Dooxada Jubba ayaa sheegay in ay kordhiyeen cashuurta dekedda taas oo lagu daray shan kun oo Shilinka Soomaaliga ah taas oo haatan halkii lawr laga dhigay haatan 10,000 oo shilinka Soomaaliga ah.

 

Dhinaca dadweynaha magaalada Kismaayo ayaan ilaa iyo haatan laga hayn wax jawaab ah oo ku aaddan arrintan, dadka u dhuun daloola arrimahan ayaa sheegaya in kordhinta cashuurta la doonayo in lagu daboolo cabashooyinka ciidamada ee dhinaca mushaharooyinka, warjiraase Cakaaruu iman.

 

Maxamed Jaamac Faarax

SBC Kismaayo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xiisadii dagaal ee u dhexeysay Isbaheysiga dooxadda Jubba & Golaha Jaamac Aadan dheere oo laga cabsi qabo in mar kale uu qaraxdo

 

Guddoomiyaha Golaha Midnimada Qaran-ka Jaamac Aadan dheere oo horay maleeshiyooyin-kiisa & kuwa Isbaheysiga dooxadda Jubba ay ku dirireen gudaha magaalada Kismaayo ayey warar lagu kalsoon yahay oo aanu helnay ilo muhiim ah waxey sheegayaan in uu hub & ciidan ku uruursanayo halka lagu magacaabo Dhamas oo ka tirsan J/hoose, wuxuu doonayaa Jaamac Aadan dheere qorshe uu maamul uga sameynayo magaalada Kismaayo oo uu maamulkeeda hagayo isbaheysiga dooxadda Jubba.

 

Dedaalo loogu kala dab-qaadayey Jaamac Aadan dheere & Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) oo si gaabis ah ku socday muddooyinkan ayaa u noqday kuwa shaqeyn waayey, kadib markii shuruudo ad-adag ay ka yimaadeen labada nin, waxaana laga cabsi qabaa in xaaladu faraha ka baxdo, halkaasina uu iska horimaad ku dhexmaro maleeshiyooyinka kala taabacsan Barre Hiiraale & Jaamac dheere.

 

Source Donkeyiile.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

I have an honest question for my fellow nomads eagerly expressiong their predictions for the future.

 

Maxaad is kugu xaaresaan? Isn't Gan. Jaamac Dheere and Col. Barre Hiiraale both of the same sub-clan you feel you must liberate Kismaayo from? What difference does it make to you, since obviously it isn't adeer Morgan or the new person you were boasting about this week, coming and being king there again?

 

And my last question that might instill a wound or two to your ego and pride is....ah forget it, I have no wish to rile all you folks on me again :D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this