Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaar Kamid ah Dhaawacyadii Wax Ku Noqday Qaraxii Baladweyne oo Muqdisho Laga Soo Dejiyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa Magaalada Muqdisho soo gaarsiisay dhaawacyada dadkii  waxyeelu kasoo gaartay  qaraxii ka dhacay  Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, waxaana garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho uga hortagay xildhibaanno katirsan dowladda iyo madaxday Hay’adda SoDMA.

Agaasimaha Waaxda Cafimaadka Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed Mudane Dr Abdullaahi muse Axmed oo kawarbixiyey tirada dhawacyada  ayaa sheegay in la keenay 16-qof oo isugu jira Caruur,Haween iyo dad wayeello ah oo dhaawacyo kale duwan ay kasoo gaareen qaraxii ka dhacay maaalada Baladweyne.

Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka iyo xubnno ka socday gobolka Banaadir ayaa ka tacsiyeeyay dadkii shacabka ahaa ee werarkaa ku dhinta kuwa dhawacamayna alle ugu baryay in uu caafiyo, waxana qaar kamid ah masuuliyinta oo la hadlay warbaahinta ay sheegeen xilli ay ku sugnaayeen gudaha garoonka Aadan Cadde.

Weerarka qaraxa ee ka dhacay magaalada Baladweyne ayaa sababay geerida 10 ruux, halka in 20 ku dhow ay dhaawacyo kale duwan ay soo gaareen, dhaawacyada qaar ayaa la dhigay isbitaalka magaalada, xilli kuwii darnaa loo soo duuliyey Muqdisho iyaga soo gaaray caasimadda si ay u helaan caaafimaad iyo la tacaalid buuxda.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this