Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta oo Kulan La Yeeshay Safiirka Imaaraadka Carabta

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa kulan looga hadlayay taageerada arrimaha xasilnta, u-diyaar garowga Duufaanta El-Nino iyo xoojinta deeqaha iyo gargaarka la yeeshay Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Mudane Axmed Juma Al-Rumaithi.

Dhinacyadu waxa ay isla garteen muhiimadda ay leedahay in deg-deg looga jawaabo baahiyaha bani’aadannimo ee ka jira goobaha laga xoreeyo Al-shabaab, in wadajir loogu diyaar-garoobo ka hor tagga iyo ka daba-tagga saameynta la filayo ee Duufaanta El-Nino iyo in Dowladda Imaaraadka xoojiso dadaallada deeq-bixinta iyo maalgalinta mashaariicda adkeysiga iyo soo kabashada.
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, wuxuu sidoo kale safiirka kala hadlay sidii ay nooga gacan siin lahaayen fududeynta kulama doceedka hay’adaha dhigeenna ee dunida marka la gaaro shirka COP28 oo dalkaas ka furmaya bisha November ee soo aaddan.
Danjire Axmed Juma Al-Rumaithi ayaa dhankiisa ballan-qaaday u howl-galidda qodobbada laga wadahadlay wuxuuna xusay in Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ay gacanta ku heyso qorshayaal maalgalin oo wax ka taraya la qabsiga iyo u adkeyga cilimida, isla-markaana mashaariicdaas la soo mari doono hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya.
Goobjoog News

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this