Sign in to follow this  
General Duke

Djibouti project seems like another fake dawn.

Recommended Posts

Poker   

Originally posted by Twisted_Logic:

Political Algebra 101

 

Core argument in this Topic:

 

''My Uncle is humiliated and defeated by the Jabuti agreement and has been chased out to Yemen by fears for the Islamic groups...Jabuti conference will fail,,,because my uncle is not in it''

 

 

Act though when your team is doing well in the game...but cry foul when your team is humiliated and defeated utterly in their own dirty game.

Oh no you didn't :D:D:D

 

BTW, what happened to your beloved blue flag?

Share this post


Link to post
Share on other sites

general duke is sad because his hero the eternal traitor has been kicked out and is hiding somewhere in yemen.

 

Not to worry duke. I heard flights to yemen is kinda cheap these days

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shirka Jabuuti Rajo mise Rajo-beel? (Faallo)

Monday, January 26th, 2009 at 7:21 pm

Soofe Xaaji Siciid

editor@horseedmedia.net

 

1991dii Markii uu bur bur kuyimid Qaranimadii Soomaaliya ee ay u kala jajabtey kooxo-kooxo, qabiil qabiil, waxaa Beesha Caalamka ee danaha kala duwan ka leh Soomaaliya ay u dhiseen Sadex Dawladood, Waxaa ugu horeysey Dawladii Cali Mahdi Maxamed oo lagu dhisey Jabuuti 1991dii Waxaa ku xigey shirar isdaba joog ah oo lagu qabanaayey dalka Itoobiya oo ah dal deris la ah Soomaaliya ayna ka dhexaysey Colaad hore isla markaasna ka lahaa dano gaar ah oo lama taabtaan ah, shirarkaas ayaan ahayn kuwo guulystey waxaase Siyaasadda Soomaaliya ay gebi ahaanba wareegtey xagal 360 digrii ah kadib shirkii lagu qabtey Dalka Masar 1996-1997kii Kaas oo ay isku daydey Dawladda Masar in ay Madaxweyne ka dhigto Cali Mahdi Raysalwasaarena u soo xulatey Xuseen Caydiid oo dhaxal aabihii siyaaadda ku soo galay, Markii uu fashilmey isku daygii Masar waxaa soo baxay Kooxdii la magacbaxdey Soodare oo ahaa shir lagu qabtey halka loo yaqaan Soodare oo ay garwadeen ka ahayd Dawladda Itoobiya, Kooxdaan ayaa 6dii biloodba nin hayn jirey xukunka dalka!!!.

 

Shirkii labaad ee Dawladd lagu dhiso waxaa lagu qabtey Dalka Jabuuti waxaana Madaxweyne loogu doortey Cabdiqaasim Salaad Xassan, dawladdan magaca ay caanka ku ahayd waxa uu ahaa Carta ama TNG, waxaa garwadeen kahaa Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Gheele, isaga oo adeegsadey halkudhig ah qab qable meesha haka baxo bulshada rayidka ah ayaa talin, dawladdan ma noqon mid hana qaada, mana ahayn mid dhaafsiisan Agagaarka Hottelada waaweyn ee Muqdisho iyo Xaafadda Hodan jidka fookha hoos mara, waxaa boqonta gooyey Hogaamiye kooxeedyadii uu Madaxweynaha Jabuuti sheegay inaan loo baahneyn iyo Dawladda Itoobiya kadib markii ay u samaysey Dallad ay ku mideysan yihiin loogna magacdaray SRRC.

 

Dawladdii Sadexaad, waxaa abaabulkeedu bilawdey Dawladdii carta oo aan dhamaysan waqtigeedi waa 2002dii, markaan waa ka duwanayd markii hore waxaa shirku ka dhacayaa waa wadan kale oo isaguna qayb libaax ka qaata cayaarta qori isu dhiibka ee Siyaasadda Soomaalida waa Kenya Markan, inkasta oo ay ciyaartey Kenya Door wax ku ool ah iyada oo huwan magaca IGAD, markii ay meel ka murugto waxaa khabiir u ahaa oo miisksa hoostiisa ugu jirey Itoobiya oo hageysey shirka.

 

Shirkaan oo ahaa kii ugu mudada dheeraa waxaa ka soo baxay Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf iyo Baarlamaan tiradiisu dhantahay 275 ayna ku jiraan dad aad u kala aragti duwan, isla markaasna aan jiibta iyo jaanta isla heleyn, kaba daranooo qaar waxaa ka dhexeeyay cadaawad aysan ka heshiin, salaanta islaamkana aan iska qaadeyn, muddo ka badan sanad ayey dul saar ku ahaayeen Dalka Kenya waxaa halkaas ku biilaayey wax loogu yeero Beesha Caalamka oo ah dulaaliin Soomaaliya dabar iyo jeebo isugu daray, waxaa dalka Kenya ka soo galay dhaqaalo faro badan oo ay ka helayeen kuwa loogu yeero beesha caalamka, iyaga oo ugu danbeyntii soo dalacdey 140milyan oo Dollarka maraykanka ah taas oo ah deyn ay ku galeen shirka, waana la baxshey.

 

Sidey doontaba ha noqotee Doontii uu naakhuudaha ka ahaa Mudane Cabdullaahi Yusuf oo badmaaxiinta saaran ay dhanyihiin 275 oo ay ku yaryihiin inta taqaan dabaasha, dakhalkii aya ka jabay weyna degtey Badmaaxiintii caanka ku ahaa khilaafka waxa ay jabsadeen alwaaxdii doonta midba meeshii u muuqatey ayuu ula caariyey ugu danbeyntii waxaa intoodi badneyd laga helay xeebta Jabuuti, Cabdullaahi Yusufna wuxuu ku boodey Barashuud samada inta uu isku ganay ayuu dig ku soo yiri halkii laga soo direy markii hore

 

Qarankii agoonka iyo rajanimada ahaa 18sano waxaa u soo haray 275 xill-dhibaan ama xill-madhibe, waxaa durba soo noolaadey damacii waalnaa ee ahaa kursi doonka, kadib markii uu is casiley Cabdullaahi Yusuf Axmed, 31.12.2009 ayaa beesha ****** gogol u fidisey Beesha kale ee ay walaalaha yihiin ee xilaftanku ka dhexeeyo waa **********, gogoshan waxaa lagu macneeyay, Mudadii uu Raysal wasaaraha ahaa Cali Maxamed Geedi Gudoomiyaha iyo Duqa Magaalada uu ahaa Maxamed Cumar Xabeeb dhibkii idingaarey qaxii idinku dhacay iyo hataawilifkii aad marteen ayaan idiinka soo hoyaney (Tixraac Waraysi Axmed Diiriye BBC 02.01.2009) beesha habargidirna waa aqbaleen, waxaase is weydiin mudneyd, Xuseen Caydiid iyo Gacma dheere oo isaga danbeeyay arimaha Gudaha iyo Qaybdiid oo Booliska ahaa yaa looga hoyan arintooda miyeysan wuxu ahayn dawladd wadaagtey wanaag iyo xumaanba, laakiin xeeldheerayaasha siyaasadu waxa ay markiiba meeshaas ka saadaaliyeen in kursiga Mugaan ay raadinayso Beesha Mudulood, cida ugu horeysa ee ka carqaladayn kartana ay yihiin **********, si ay beri ugu garaabaan ayey shirkaas u qabteen.

 

Shirka Jabuuti.

 

Shirka Jabuuti waxa uu bilowdey sanadkii 2008-dii bishii Lixaad, waxa uu ku bilowdey waxa ay ahayd, Heshiis dhexmara DFKG ah iyo Ururka Dib u Xoreynta Soomaaliya, mid kamid shirarkii isdaba jooga ahaa Waxaa ka qaybgalay Cabdullaahi Yusuf Axmed oo ahaa Madaxweynihii DFKGS, waxa uu soo jiitamo waxa shirkaasi noqdey Virus kala qaybiya Labada dhinacba, kadib markii ay saxiixeen heshiis nuxurkiisu uu yahay 275 xildhibaan halagu daro Baarlamaanka Soomaaliya, Itoobiyana Dalka haka baxdo, Xabaddana waa in la joojiyo. Kooxdii Casmara ka timi waxa ay noqdeen laba garab mid dagaalka sii wada iska dhaaf inay joojiyaane waaba sii laba kacleeyeen, iyo koox Jabuuti ka dhigtey Saldhig caalamkuna ugu yeero Islaamiyiinta qunyar socodka ah iyo koox ka soo hartey Baarlamaankii hore ee Kenya lagu dhisey.

 

550 xilldhibaan!

 

Waxaa maanta Xubnihii Baaralamaankii hore ee Soomaaliya ee iminka dibad jooga noqdey ay ansixiyeen in la kordhiyo xubnaha Baarlamaanka taas oo ay bedeleen dastuurka keliya ee ay haystaan waxayse ilaaween in ay bedalaan habka uu xildhibaanku ku imaanayo taas oo axdiga ay aaminsanyihiin uu dhigaayo in Beesha uu ka soo jeedo ay iska soo xusho kadibna Hogaamiyaha beeshaas ama isimku uu ansixiyo haddaba mucaaradku 275tooda xubnood haba ku qaybsadeen 4.5 ee yaa u soo xulaya:

 

Waxaa soo xulaya Sh.Shariif, Sh.Janaqow, Shariif Adam, iyo rag kale oo lamid ah waxaa is weydiin mudan meeyay miisaankii aan awalba cadaalada ku dhisneyn ee ahaa 4.5, waa cadahay in hab qaybtu noqoneyso habkii ay habar dugaaga wax ugu qaybisey dawacadu markii la weydiiyeyna ay tiri waxaan saas u yeelay isha Cali (Dhurwaa) ka laad laada.

 

Nin ayaa hadda ka hor yiri Xul ma nihine Xal baan nahay ka tirsanaa Baarlamaankii lagu dhisay Imbghati, hadaba ma xalbaa, ma dawbaa 550xildhibaan?, halkee la geyn sidee u shirayaan?, goobtee la isugu geyn?, yaa kharashkooda bixin?,sidee isu dhegaysanayaan, waa wax aan loo meerin karin caruurta maantase Soomaali qaadatay

 

Dawladd dhex degan Dawladd kale

Shiikh Adam Madoobe oo noqdey Madaxweyne Ku meel gaar ah Gudoomiye Baarlamaan waa labadii awoodood ee ugu weyneyd ayaa damac qaadey waxa uu is yiri kursigaan cidi kaama xigto haddii aad Baydhabo ku qabato doorashada, durba gudi doorasho ayuu sameeyay, waqtina waa mudeeyay, waxaase taasi beenowdey markuu arkey Ciidamo ka badan intii hore in Itoobiya meesha keensatey Musharax aan isaga ahayna ay wataan, Odaygu candhuuftiisu dib ayuu u liqey waxaase soo martey fursad dahabi ah kadib markii uu helay hadiyad fiican oo ka timi dalalka carabta loona sii marsiiyey Kuweyt ayuu aqbalay in Jabuuti wax lagu qaybsado isla markaana ay der deraan axdigoodi.

 

Waxaa cad in Baydhabo ay geli gacanta Abuu-Mansuur, waana sida ay doonayso Itoobiya, waxaa cad in Muqdisho aysan ahayn goob amaan ah oo ay kala haystaan mucaskaraad kala afkaar duwan, 550 xildhibaan, iyo madaxweynahdooda, iyo xukuumadooduba waxa ay marti u noqonayaan dalka yar ee Jabuuti, Sida ay doonayso Dawladda Jabuuti waxaa caalamkii dabray walaalkood (soomaaliya) ay laba laabayaan dhaqaalaha ay siin jireen, waxaana is bedel weyn ku imaanayaa dhaqaalaha dalka Jabuuti maadaama dawladd meel lageeyo aan lahayn ay hayaan, haddii markii hore taangi Itoobiyaan keenay iminka waxaa keeni doona Markab dagaal ileyn taangi ma qaadee oo cidda leh aysan weli caddayn.

 

Doorka Puntland.

 

Qorax timidba subaxeede 550 xildhibaan waxaa Puntland ay ku leedahay 35 xildhibaan kuwaan oo ka tirsan xildhabanadii ay iska soo xuleen beelaha dega Puntland 2004tii, Beelaha dega Puntland doorka ay ku leeyihiin arimaha Soomaaliya waa mid aan ka sheekayn u baahneyn, Puntland ma lahayn mucaarad hubaysan oo dawladda ka soo horjeeda, waxaa jirey siyaasiyiin faro ku tiris ah oo ka soo horjeeday, haddaba timir lafbaa ku jirtee sabab ayaa 4.5 ay ugu qaybsadeen mucaaradku, may isku koobaan ileyn waa is yaqaanaan, waxaa taa kasii daran haddii ay iyagu u soo xulayaan xubnihii Puntland, miisaankii Baaralamaankuna uu sidaas u ku idlaanayo.

 

Dhanka kale waxaa muuqata in la doonayo in meesha laga saaro arinta Federaalka taas oo ah waxa Soomaali maanta mideyn kara ama ay kuwada dhisan karaan dawlad wadaag ah.

 

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxmaan Faroole waxa uu soo saarey baaq uu la hadlaayo Beesha caalamka iyo garwadeenada shirka, haddii aan baaqaas dheg jalaq loo siin makuu muuqataa akhristow Jamhuuriyada Dimoqraadiga ee Puntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somali Pirate don’t concern yourself with an individual a whole nation is lost.

Has been lost for 18 years. The simple idiotic excuses you once made don’t hold water today.

Yusuf for all the talk played a key role in securing his region a huge entity within Somalia. Lets see what you secure.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this