Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Sirdoon xilkooda ka soo baxay

Recommended Posts

Al-Shabaab oo tababar usoo xirtay 60 nin oo loo diyaariyey inay is-qarxiyaan

Cumar Maxamed Ismaaciil oo uu magaciisa afgarashadu yahay (Nuur), isla-markaana ah sarkaal ka tirsan Al-Shabaab, balse la qabtay isaga oo ka dhoofaya garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud ayaa shaaciyay xog ku aadan ku aadan xubno ay Shabaab u tababareen is qarxinta, si ay u fuliyaan weerarada is-miidaaminta ah.

Cumar oo wareysi bixiyay ayaa marka hore ka sheekeeyay qaabka uu ugu biiray kooxda, wuxuu sheegay in markii hore deganaa Gaalkacyo, kadibna uu u soo wareegay magaalada Muqdisho, isla-markaana uu ahaa Macallin Oline-ka Qur’aanka ku bara dad qurbe-joog ah.

Intaas kadib waxa uu sheegay inuu lasoo xiriiray nin ay qaraabo yihiin, uuna ku tashkiiliyay Al-Shabaab, sidaasna uu ku aaday degmada Jilib oo uu ku soo qaatay tababar gaar ah.

“Waxa uu tilmaamay in tababarka uu ku qaatay xero ku taalla tuulada Buulo Ooman, isla-markaana ay tiro ahaan gaarayeen in ka badan 200, oo isugu jiro Soomaali iyo Oromo.

220 nin ayaan ku galnay tababarka waxaa Reer Waqooyi ahaa 17 nin, Oromana waxaa ahaa oo nagu jiray 50 nin” ayuu wareysiga ku yiri Cumar Maxamed.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ragga lasoo tababaray ay ku jireen 60 nin oo gaar ah, isla-markaana loo tababaray qaybta is qarxinta, isaga oo sheegay in loo xiray  dhar gooni ah.

Waxaa kale oo ragga ku jiray 60 nin oo ay dheheen waa rag is qarxinaayo oo iyagana darees gaar ah loo geliyay, kuwaas ayaa iyagana jiray” ayuu yiri Cumar Maxamed.

Waxaa kale oo uu yiri “Marka uu tababarka noo dhammaaday waxaa naloo qaybiyay tuute, meesha waxaan ku galnay dhoolatus, tababarkaas waxaa loogu magac daray Xasan Barsane, waxaana noo soo xiray Mahad Karataay”.

Ninkan oo 40 jir ah ayaa hadda soo galay gacanta Hay’adda Nabad Sugidda Koonfur Gakbeed , wuxuuna sidoo kale ka sheekeeyay sida lagu qabtay.

“Waxaa markii dambe naloo soo qaaday magaalada la yiraahdo Iidaale halkaas ayaan aniga uga soo kacay marka halkaan imid diyaarad tikidkeedii baa la’iisoo diray aniga oo raba inaan garoonka ka baxo ayaa waxaa i qabtay ciidamada Koonfur Galbeed” ayuu raaciyay.

Xigasho

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Arafaat   

This is cat and mouse game has been going for more then 15 years, and as long as we don’t understand why youngsters are choosing to join AS and what motivates people to go extreme lengths such as suicide bombings, one can’t really solve the symptoms neither eradicate the issue. I am not underwriting the importance of the hard working soldiers and intelligence people, but if it was only a matter of more guns, more soldiers, more training and powerful intelligence with more resources then one would have solved it by now. 

One needs to have a complete picture of the motivates in order to address the issue, and one shouldn’t be to simplistic in thinking there is only one motivate or driving factor, its more likely that its a complex web of dozens of different factors, motivates and underlying issues playing a role. But surely one can dedicate a team of 20 analytical people to map this out and distill to come up with workable solutions and recommendations to address the issue and underlying factors. Surely this isn’t too much to ask as one also delicates thousands of people to work in soldiering and thousands to work in other sorts of offices that hardly can even operate properly due to the security issues. 

Not saying this is a task for the security sector, but rather a responsibility of the politicians to have 20 people dedicated to understanding and dealing with AS, and coming up with solutions and measures across the board that are beyond security but rather are political and socio-economical in nature. 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.