Sign in to follow this  
Xarago

Bring on the Americans..!

Recommended Posts

Xarago   

Gudoomiyaha Maxkamadaha oo ka hadlay warbaahinta Caalamka

1746171.jpg

 

Guddoomiyaha Midowga Maxaakiimta Islaamka ee Muqdishu, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, oo ah Hoggamiyaha Dagaalyahannadda haatan gacanta ku haya inta badan Magaalladda Muqdishu, ayaa waxa uu uga digay Dowladda Dalka Maraykanka inay kharaj badan kaga bixin doono haddii ay isku dayaan inay ku soo duullaan dalka Somalia.

 

 

Guddoomiyaha, waxa uu arrinkaasi ku sheegay wareysi gaar ah oo uu siiyey Wargeyska Asharq al-awsat ee laga leeyahay dalka Sacuudiga, kana soo baxa Magaalladda London, wuxuuna Guddoomiyuhu ku nuuxnuuxsaday inay Dowladda Maraykanka soo food-saari doonto Masiibo ka daran tii ay la kulmeen Qabsashaddii uu Sannadkii 1993-kii ku qabsaday Dalka Somalia oo lagu dilay 18-Saraakiil Ciiddan oo oo Maraykan ah iyo 300- oo qof oo Soomaali ah.

 

â€Haddii ay Ciiddamadda Maraykanka faragelin toos ah oo lid nagu ah ku soo qaadaan Magaalladda Muqdishu, waxaan diyaar u nahay inaan barno Cashar lama illaabaan ah oo aysan weligooda illaabi doonin oo ka xanuun badan jabkii ku dhacay sannadkii 1993-kii†ayuu yiri Sheekh Shariif Sh.Axmed.

 

 

Sheekh Shariif, waxa uu beeniyey Eedeymaha Maamulka Maraykanka ku sheegaan inay Midowga Maxkamadaha oo ka kooban 11-Maxkamadood ay gacan-saar la leeyihiin Shabakadda Argagixisadda ee Al-Qaacida, wuxuuna yiri:- “Annaga, ma nihin Argagixiso, waxaana Maraykanka arrintaasi kala hadalnay boqolaal jeer inaysanArgagixiso joogin Somalia iyo inay arrimahaasi yihiin siyaasad la soo dhoodhoobay†ayuu yiri Guddoomiye Sheekh Shariif, oo intaasi ku sii daray:- “Annaga, wax gacan-saar ah lama lihin arrimaha uu Maraykanka nagu eedeynayo Maraykanka oo ah Dalka ugu weyn Argagixisadda ee ka dhisan Caalamka, iyagoo weliba sheeganaya inay xushmeeyaan Dimuqraadiyadda iyo Xuquuqda saxa ee Aadanahaâ€.

 

 

Guddoomiyaha Midowga Maxkamadaha Islaamka ee Muqdishu, Sheekh Shariif, waxa uu wareysiga uu siiyey Wargeyska Asharq Al-awsad, waxa kaloo uu ku sheegay inay Dowladdaha Maraykanka iyo Ethiopia heshiis ku galeen sidii ay hawlgallo ugu fulin lahaayeen Dalka Somalia, wuxuuna xusay inay taasi ugu wacan tahay kaddib, markii ay Isbahaysiga Argagixsa-la-dirirka loogu itaal-sheegtay Magaalladad Muqdishu.

 

 

Mar wax laga weydiiyey inuu hawlaha Maxkamadaha sii wadayo, waxa uu ku nuuxnuuxsaday inuu xilkaasi iska casilayo, waxa uu ku sababeeyey inuu doonayo in Madax kale oo cusub u hantaan Hoggaanka Midowga Maxkamadaha Islaamka, wuxuuna yiri:- “Waan gutay waajibkii I saarnaa, markaas waa inay Madax kale hawsha la wareegto si ay ula jaan-qaadaan Marxalladdan Cuusbâ€.

 

 

Sheekh Shariif, waxa uu ahaa Macallim dhiga Maadada Juqraafiga ka hor intuusan Hawlaha Maxakmadaah ku soo biirin, kana gaarin Guddoomiyaha Maxkmadada Islaamka ee Deeganka Sii Sii oo uu ilaa iyo haatan ku magacaaban yahay iyo Xilka kale ee Guddoomiyenimadda Midowga Maxkamadaha Islaamka ee Muqdishu

Guddoomiyaha Maxkamadaha Islaamka ee Muqdishu, waxa uu sidoo kale sheegay inay diyaar u yihiin inay DFKMGS la galaan wada-xaajood aan shuruud ku xirnayn.

 

 

Xigasho:- Wargeyska Asharq al-awsad ee ka soo baxa Magaalladda London

 

 

Wadha yadha he mid kaani yadh ya la taaliya...the Americas of today are not the same of those in 1990. They are now ruthless , indifferent to International laws and human rights . To compare to himself the 1993 incident in which Aideed was more tactful and US were slightly adhering to International governing laws is showing the Sheikh is out of touch and does not know his ability. Furthermore the so called Islamic courts should be courting diplomacy as opposed to aggresiveness since they are now by right the rulers of Banadir region. For example responding and cooperating with gestures made by Geedi would actually really be beneficial to them and in general the state of the region and for once bring an end to the farce,atrocity and anarchy that has engulfed Mogadishu for a long period of 16 years. Well that is what I think at least.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this